Waxaa Iskiin Soo Hor Taagi Doona Dadkii Horumarka Berbera Diiday ee Baarlamaanka Hor Geeyay”

0
84

Madheera (Dawan): Dawladda hoose ee degmadda Berbera ayaa la wareegtay masuuliyadda cusbitaalka magaaladda Abdaal, ee degmadda Madheera, ee gobolka Saaxil, iyadoo kafaalo qaaday dhamaanba dhaqaalaha shaqaalaha ku baxaya iyo daawadaba.

Cusbitaalka magaaladda Abdaal, oo markii hore aad u koobnaa ayaa hadda la balaadhiyay, kaasoo laga dhigay cusbitaal weyn oo kafayn kara bixinta addeegyo bixinta dhamaanba addeggyadda caafimaad ee bulshadda deegaankaasi u baahan tahay.

Munaasibad loo sameeyay loo sameeyay arrintaasi waxaa ka soo qayb gallay guddoomiye ku-xigeenka gobolka Saaxil, maamulka wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee gobolka Saaxil iyo maamulka degmada Madheera.

Guddoomiyaha golaha degaanka degmada Berbera ahna duqa degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan, ayaa ka warbixiyay la wareegista Referal Hospital-ka Abdaal, kadib markii horaantii bisha June ee sanadkan 2024-ka maamulka degmada Madheera codsi taageero xaruntaa caafimaad u soo dalbadeen.

Abdaal Referal Hospital ayaa noqon doona xarun ay u dhan yihiin dhamaan baahiyaha adeega caafimaadka looga baahnaa in laga helo. Sidoo kale xaruntan caafimaad ayaa noqon doonta mid adeeg kasta oo ay qabataa yahay adeeg lacag la’aan ah.

Sidoo kale Abdaal Referal Hospital kan ayaa la keenay Daawooyin, qalab caafimaad iyo shaqaale mihnadooda caafimaad la tayeeyey, kuwaasoo si rasmi ah uga hawl gali doona goobtan caafimaad.

Maayarka Berbera C/shakuur Cidin, oo ka hadlay munaasibadii loo qabtay tayaynta cusbitaalka Abdaal, ayaa kula dar-daarmay bulshadda magaaladda Abdaal, in ay qorsheyaal hor dhigaan xisbiyadda siyaasadda ee tartamaya marka la gaadho xiliga doorashada.

Waxaanu carabka ku dhuftay in siyaasiyiin iyo masuuliyiin hore oo diidanaa horumarka dekadda Berbera in ay xiliga ololaha doorashadda hor iman doonaa, balse bulshadda looga baahan yahay in arrimahaa ku baraarugsanadaan.

“Waxaan idinkula dar-daarmayaa in aad kala garantaan qofka kuu heelan ee kuu ordaya, iyo ka kale. Maalin dhaw waxaa loo dareeri doonaa doorasho, nin maalintaa barashadiisu kuugu horayso, maalintaasina ay kuugu danbayso, qofka ma huraanka ah ha uga godob gelin. Maalin dhaw dad waalan baa idiin iman doona oo cod doonaya.

Waxaa isa soo kiin hor taagi doona dadkii xuquuqda ay Berbera leedahay diiday ee goleyaasha baarlamaanka hor geeyay, ee kuu quudhi waayay in ay Berbera wax noqoto, kii hore u diiday horumar Berbera, maantana aan ogolayn ayaa ku hor iman doona, markaasuu caqligaaga caayayaa, inta uu ku hor yimaado ayuu adiga kugu diri doonaa dadkii wax kuu qabtay. Waxaan idin leeyahay reer Abdaaloow, habeenka iyo maalintu ha idiin kala cadaadaan” ayuu yidhi maayarka Berbera.

Geesta kale maayar Cidin, waxa uu bogaadiyay wasiirka caafimaadka inuu fursad siiyay dawladda hoose ee Berbera, si ay caafimaadka gobolka Saaxil wax uga qabtaan. Waxaanu yidhi “Wasiirka caafimaadku wuxuu fursad siiyay dawladda hoose ee Berbera, in ay caafimaadka wax ka qabtaan, tijaabo ayay ka soo qaadeen, oo nadiifiso iyo washman ayay ka sooo bilaabeen. Kuma shaqayso degmadu siyaasadda caafimaadka siyaasad ka duwan, dhakhaatiirta waxaa soo xula wasaaradda caafimaadka, iyada ayaana aqoonta ku hogaamisa”.