Kulan Lagu Gorfaynayay Xakamaynta HIV/AIDS

0
28

Barnaamijka caafimaadka Wargeyska Dawan todobaadkan qormada koowaad waxa aynu ku soo qaadanaynaa kulan laba geesood ah oo ay wada qaateen xafiiska xakamaynta HIV/AIDS iyo Hay;adaha ay wada shaqaynta leeyihiin ee ay iska iska kaashadaan sidii loo yarayn lahaa waxyeelada xanuun ka AIDS-ka iyo sidii bulshadu uga badbaadi lahaayeen waxyeeladiisa.

 

Kulankan laba geesoodka ah ayaa waxa lagu gorfaynayay caqabadaha ka hor yimi sadexdii bilood ee la soo dhaafay dedaalada xafiiska iyo Hay’adaha la shaqeeya, sidoo kale waxaa kulankan lagu qorsheeyay, qorshayaal la rabo in wax lagaga qabto bilaha soo socda xanuunka AIDS-ka.

 

Haddaba Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Xafiiskeeda xakamaynta HIV/AIDS iyo Haayadaha ay wada shaqaynta leyihiin ayaa kulan ku yeeshay hotel dhoola-yare ee magaalada hargaysa, kulankan oo ahaa kulanka sadex biloodllaha ah ee dib u eegista iyo qiimaynta waxyaabihii u qabsoomay iyo qorshaynta sadexda bilood ee soo socda

 

Kalankan oo ay kasoo qayb galay Haayaddaha ay wada shaqaynta leeyihiin xafiiska xakamaynta HIV/AIDS, Wasaaraddo kala duwan iyo hay,addaha SOYVO, UNICEF,WHO iyo PSI ayaa waxaa lagu gorfeeyay caqabadaha jira iyo sidii looga guddbi lahaa.

 

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyada oo ka duulayso waajibka caafimaadka bulshada waxa ay la diyaar u tahay qorshayaal lagu xakamaynayo korodhka xanuunka HIV ka.

 

Kulankan ayaa waxaa furay Dr.Nasra Yusuf Maamulaha mashruuca xakamaynta HIV/AIDS ee wasaaradda horumarinta Caafimaadka, iyada oo xustay in Sannadkan 2024 ay u qabsoomeen waxyaabo badan oo ka qayb qaadanaya dadaalada ay wado Wasaaraddu ee lagu xakmaynayo xanuunka HIV/Aids-ka, iyadoo laysla qaatay sidii loo waji lahaa caqabadaha jira loona hirgelin lahaa qorshaha laysla qaatay ee saddexda bilood ee soo socda.