Madaxwaynaha Somaliland oo Kulan La Qaatay Masuuliyiinta iyo Waxgaradka Gobollada Awdal iyo Selel

0
56

Qore: Boqore Axmed Cabdi

 

Hargaysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan la qaatay qaar kamida masuuliyiinta, Salaadiinta, Cuqaasha iyo Waxgarad kasoo jeeda Gobollada Awdal iyo Selel.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi, oo ay wehelinayaan wasiirka wasaaradda gaashaandhiga , mudane Rooble Muuse Cabdi, wasiir ku-xigeenka hawlaha guud, mudane Cabdimajiid Ibraahim Muumin,xildhibaan Axmed Daahir Jirde, guddoomiyaha gobolka hawd ayaa shalay kulan la qaatay cuqaasha, waxgaradka, aqoonyahanka, ganacsatada iyo dhalinyarada Gobollada Awdal iyo Salal kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Caaqil Cali Cumar Boon, Caaqil Cilmi Maxamed Warfaa, Caaqil Geelle Wacays, Caaqil Xasan Cabdilaahi iyo Oday Aadan Cabdilaahi Boodh.

 

Waxa kulankaa lagaga wada hadlay in laga wada shaqeeyo lana xoojiyo danta guud iyo difaaca Qaranka Somaliland meelna looga soo wada jeedo wixii Qarannimada wax u dhimaya.

 

Madax dhaqameedka iyo aqoonyahanka gobollada Awdal iyo Selel, ayaa madaxweynaha hortiisa ka caddeeyey inay weligoodba ahaayeen taageerayaasha xisbiga KULMIYE, imikana ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin si buuxdana u taageersan yihiin murrashaxiinta xisbiga KULMIYE ee madaxweynaha iyo ku-xigeenka madaxweynaha.

 

 

 

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta Qasriga madaxtooyadda Somaliland ayaa ku soo dhammaaday guul iyo is-afgarad buuxa iyo in meel looga soo wada jeesto wixii wax u dhimaya Qaranimada iyo geedi socodka dalka.