Ninkii ugu dilka badnaa Bangladesh oo dhintay

0
41

Ninkii fuliyey dilkii ugu badnaa ee dad lagu xukumo dal Bangladesh ayaa dhintay badhtamihii todobaadkan. Shahjahan Bhuiyan, oo 74 jir ah, dadka uu dilka ku filiyey waxa ka mid ahaa gacan ku dhiiglayaasha iyo siyaasiyiinta. Isniintii ayaa la dhigay cisbitaal ku yaala caasimadda dalkaasi ee Dhaka, ka dib markii uu ka cawday xannuun feedhaha ah.

Markii dambe ayuu dhintay isaga oo la dabiibayo, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Bhuiyan ayaa loo malaynayaa in ay fulisay ugu yaraan 26 dil balse wararka qaar ayaa sheegaya in tirada ay gaadhayso 60 qof.

Dawladii hore ee kacaanka ahayd ayaa loo magacaabay jagada deldelaada, wuxuuna ka shaqaynayey ย 42 sano isaga oo dad ku xukumay tuugo iyo dil.

Bhuiyan ayaa la xidhay markii ay xukunka la wareegtay Raโ€™iisal wasaare Sheikh Hazina sanadkii 1996, waxa lagu xukumay xabsi ka dibna waa laga dhimay oo shaqo adag ayaa loogu beddelay ka dibna waa la siidaayey.

Dadka gacantiisa ku dhintay waxaa ka mid ah saraakiil ciidan ย waxa ka mid ah, Sheekh Mujibur Rahmanย  oo ahaa Aabaha dhalay ra’iisul wasaaraha hadda ee Bangladesh.

Sidoo kale waxa uu xukun dil ah uu ku fuliyay siyaasiyiin kala ah Ali Axsan Mujaahid iyo Salahuddin Quader Chowdhury oo labaduba lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo waliba Ershad Shikder oo isna lagu eedeyey dil.

Bhuiyan waligiis waxa uu difaaci jiray doorkiisa deldelaada, waxaana laga sheegay in uu yidhi, “Hadii aanan deldelin iyaga, qof kale ayaa del-deli lahaa.”

Waxa uu qoray Buug ka hadlaya waaya-aragnimadiisa, oo ay ku jirto sharraxaadda habka daldalida, waxa la sii daayay horaantii sanadkan waxa uu soo jiitay dareen weyn.

Ka dib markii xabsiga laga sii daayay, Bhuiyan wuxuu guursaday gabadh 50 sano ka yar isaga, sida laga soo xigtay Dhaka Tribune, natiijada guurkaa waxay la kulantay dhibaatooyin sharci ah