- Karaamada iyo weynida qofka waxa lagu qiyaasaa illaa xadka uu diyaar u yahay in uu u naxariisto kuwa khaladka ku sameeya.
- Haddii aad caado ka dhigato in aad ka cadhooto wax kasta oo ku raalli gelin waaya, weligaa nolosha ku guulaysan maysid.
- Haddii aad doonto Khayrka minjo u noqo, laakiin sharka madax ha u noqon.
- Marka aad walaalkaa ku kaalmayso in uu buur fuulo, waxaad tahay qofka ugu dhow ee ku xiga fuulista buurta.
- Tijaabada ugu weyn ee lagu garto geesinimadu waa qofka oo la eego sida uu ugu adkaysto guuldarrada iyo jabka, iyo in aanay ku ridin niyad jab iyo mooral xumo.
- Noloshu maโaha dhibaato in la xalliyo u baahan, balse waa xaqiiqo in lagu waayo arko u baahan.
- Hana noqon qof markasta doorbida waxay naftiisu jeceshahay oo keliya
Kaalmee dadka in ka badan inta ay kaa filayaan. Waliba caawi adiga oo jecel in aad caawisid