Dawladda Hoose ee Hargeysa oo Agab Caafimaad ku Wareejisay Xarumo ka mid ah Xannaanooyinka Hargeysa

0
82

Hargeysa(Dawan):- Dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa,ayaa agab caafimaad oo  waxwayn ka tari doona adeegyada caafimaad ee ay bulshada u hayaan xannaanooyinka hooyada iyo dhallaanka ee Caasimadda Hargeysa ku wareejisay qaar ka mid ah MCH yada Hargeysa ee ay maamusho dawladda hoose ee Hargeysa.

 

Madaxa Xafiiska horumarinta caafimaadka dawladda Hoose ee Hargaysa oo ay weheliyaan masuuliyiinta Xafiiska Caafimadka ayaa kormeer ku tagay Xarumaha Caafimaad ee Hooyada iyo dhallaanka (MCH), ee ay Dawladda Hoose maamusho, waxaana ay ku wareejiyeen agab caafimaad oo ay baahi wayn u qabeen.