Golaha Wakiillada oo Ansixiyay Xeerka Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda

0
72

Hargeysa( Dawan):-Fadhigii shalay ee Golaha Wakiillada oo uu Shirgudoominayay Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee  Golaha Wakiillada Siciid Mire Giire  ayaa Mudanayaasha Golaha Wakiilada ku ansixiyeen xeerka hawlgabka  iyo Xaqsiinta shaqaalaha Dawlada.

Fadhigan Golaha Wakiilada oo ay ka soo xaadireen 45 Xildhibaan ayaa waxa ay cod u qaadeen  xeerka hawlgabka  iyo Xaqsiinta shaqaalaha Dawlada,waxaana ogolaaday in la ansixiyo 25 Xildhibaan,waxaana diiday afar Xildhibaan halka ay ka aamuseen 15 Xildhibaan guddoomiyihuna muu codayn.

Xeerka hawlgabka  iyo Xaqsiinta shaqaalaha Dawlada oo Golaha Wakiilada wax ka badal iyo kaabis ku sameeyeen  ayaa u gudbi doona Golaha Guurtida si ay waajibaadkooda uga gutaan.