Qashinka wershadaha Hindiya dad ayuu shaqo u yahay

0
56

Jammu oo ku taal buuraha Himilaaya ee waqooyiga Hindiya waxa lagu soo daadiyaa Qashinka wershadaha. Waa magaalo ay ku nool yihiin ilaa 740,000 oo qof. Urta wasakhaysan ee ka soo baxaysa qashinka gubanay oo isugu jiro caagadaha suntu ka dhammaatay, hadhaaga wax soo saarka wershadaha, hadhaaga dawada iyo waxyaalo kale ayaa ka qiiqaya duleedka Jammu. Waa qashin dhib ku haya magaalada hase ahaatee waxay shaqo u tahay dad kuwaas oo iska indha tiraya urta iyo qiiqa waxay raadinaya wax kasta oo ay iibin karaan si ay ugu helaan ugu yaraan $4 maalintii.

“Haddaan sidaan yeelin, ma helayno cunto aan cunno,” ayuu yidhii Cismaan Sheekh oo 65-jir ah. “Waxaan isku dayeynaa inaan nasano dhowr daqiiqo marka ay qoraxdu kululaato, laakiin inta badan waxaan sii wadnaa ilaa aan baadhno.”

Shekh iyo qoyskiisu waxay ka mid yihiin 1.5 milyan ilaa 4 milyan oo qof oo nolol maalmeedkooda ka raadsada qashinka Hindiya – laakiin isbeddelka cimilada ayaa shaqadooda ka dhigaysaa shaqo khatar ah sababta Jammu, oo ku taal waqooyiga Hindiya, kuna taal buuraha Himalaya, heerkulkeedu si joogto ah ayuu kor ugu kacay 43 darajo Celsius.

Dadka ku dhintay kulaylkii ugu dambeeyay ee waqooyiga Hindiya waxay ku jiray qashin-qaade.

Qashin gubanaya laftiisa ayaa kulaylka sii kordhaya sidoo kale qiiqa ayaa keena gaasaska sida methane iyo carbon dioxide oo khatarta ah in la neefsado. Ku dhawaad ​​dhammaan dabka qashin ayaa yimaada xagaaga, waxaana uu gubtaa maalmo sida ay khubaradu sheegeen.

Goobta qashinka lagu qubo ee Jammu, qiiq aad u fara badan ayaa la dareemayaa, laakiin kuwa guranayaa waxay jiidanayaan wax kasta oo ay u arkaan inuu waxtarayo. Wiil 6 jir ah ayaa gacanta ku qabsaday kabo caag ah. Sidoo kale shimbiraha ayaa qaybtooda guranaya.

Hindiya waxay soo saartaa ugu yaraan 62 milyan oo tan oo qashin ah sannadkii, marka loo eego diiwaannada dawladda dhexe, iyo goobaha qashinka lagu daadiyo waa buuro qashin ah, sida qashinka Ghaziabad ee ka baxsan New Delhi. Iyada oo sharci la soo saaray sanadkii 2016-kii uu dhigayay in la kala saaro qashinka si aanay u soo raacin walxaha khatarta ahi, laakiin sharciga si adag looma dhaqan galin, taas oo daraysa khatar ku ah qashin-qaadayaasha.

“Maadaama ay inta badan isticmaalaan gacmahooda, waxay khatar u yihiin in ay suntan waayo wax kasta waxay ku taabtaan gacmahooda, hadhaaga suntan iyo irbadha ay isku mudaan dadka xannuunada ka kala qaado qaba. ” ayuu yidhii Bharati Chaturvedi, oo ah aasaasaha Kooxda Cilmi-baadhista Deegaanka Chintan ee fadhigeedu yahay New Delhi.

Chaturvedi, oo la soo shaqeeyay qashin-qaadayaasha in ka badan labaatan sano, ayaa sheegay in kulaylka ba’an uu ku daray khataro cusub kuwa qashinka qaada kuwaas oo horeyba dhibanayaal u ahaa takoorka bulshada iyo xaaladaha shaqada ee naxdinta leh.

Qashin-qaadayaasha “waxay ka mid yihiin kuwa ugu nugul uguna nugul kulaylka,” ayuu yidhii Abhiyant Tiwari, oo hoggaamiya kooxda u adkeysiga cimilada ee barnaamijka Golaha Difaaca Kheyraadka Dabiiciga ah ee Hindiya.

Geeta Devi, oo 55 jir ah oo qashinka ka qaada, sidoo kalena ku sugan goobta qashinka lagu daadiyo ee Bhalswa ee New Delhi, ayaa sheegtay in mar marka qaar ay ku dawakhaan kulaylka.  Marka qashinka baadhaan waxa ay helaan dib ayey u iibiyaan. Abhiyant Tiwari  waxa uu yidhi “Waa in aad shaqeyso maalintii si aad u hesho 150-200 rupees ($1.80 ilaa $2.40) taas oo cuntada caruurteeda quudinaysa laba wakhti.

“Waa ay adagtahay in aan shaqadeyda qabsado kulayl dartiis. Laakiin shaqo kale ma haysto,” ayay tidhi.