Wasiirka Beeraha iyo Madax-dhaqameedka Wajaale Oo Ka Wada-hadlay Sii Horumarinta Mashruuca Wax Soo-saarka Ee Banka Tog-Wajaale

0
55

Wajaale (Dawan) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Mudane Axmed Maxamed Habbane iyo Cuqaasha Deegaanka Wajaale ayaa shalay kulan ku yeeshay Degmada Wajaale.

 

Kulankan oo uu Wasiirka ku wahelinayey Suldaanka Guud ee Gobolka Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed ayaa waxa ka soo qeybgalay Cuqaasha iyo Waxgaradka Deegaanka.

 

Wasiirka iyo Suldaanka Guud ayaa Cuqaasha kala xaajoodey Mashruuca Beeraha ee Wajaale oo Horumarin ball aadhan lagu sameyn doono, isla markaana noqon doona mid kamid ah Mashaariicda Waxsoosaar ee Dalka ugu wayn.

 

Jiif-Caaqil Axmed M. Xirsi, Odey Cismaan Miigane, Odey Xasan Xaaji, Odey Maxamed Karaaji iyo Odey Yusuf Ali oo ku hadlayey Afka Odayada iyo Cuqaasha Degmada ayaa hoosta ka xariiqay in ay soo dhaweynayaan Mashaariicda Horumarineed ee ay wado Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL.

 

Kulanka waxa sidoo kale ka soo qeybgalay Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Mudane Mursal iyo Xoghayaha Degmada Wajaale Mudane Abdi Khadar.

Ugu dambeyn, Kulanka ayaa ku soo dhamaaday Isfaham iyo iyada oo loo balamay in laga wada shaqeeyo Horumarinta Deegaanka Wajaale.