Waxa Bulshada Somaliland u Caddaynayaa in Doorashooyinku ku Qabsoomi Doonaan Wakhtigoodii loo Cayimay.”Guddoomiye Muuse

0
158

Hargeysa(Dawan):-Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa ka hadlay halka ay marayaan hawlaha qabashada  Doorashooyinka isa saaran ee  Madaxtooyadda iyo Ururada Siyaasada.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Muuse Xasan Yuusuf ayaa  sheegay in Doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Ururada Siyaasada ay ku qabsoomi doonaaan wakhtigii loo mudeeyay.
Muuse Xasan Yuusuf oo faahfaahin ka bixiyay halka marayaan hawlaha   doorashooyinka.Waxa uu yidhi”Komishanka Doorashooyinka waxa uu gacanta ku hayaa diyaarinta dhamaan agabka doorashada loo adeegsan doono,waxaana dhawaan la bilaabi doonaa shaqooyinkii kale sida tababaradii Wacyigalinta iyo hawlgalinta shaqaalaha heer gobal iyo heer degmo.Miisaaniyadda doorashada waxa gacanta Koomishanka Doorashooyinka soo galay toddoba Milyan iyo badh inta dhiman Koomishanka Doorashooyinka iyo Xukuumadda,isla meel dhigeen sidii loo bixin lahaa.sidoo kale Koomishanka Doorashooyinka waxa uu wadahadal u socdaa qaadhaan bixiyayaasha Caalamiga sidii ay uga qaybqaadan la haayeen dhaqaalaha doorashooyinka.waxaana bulshada Somaliland u cadaynayaa Koomishanka Doorashooyinka in doorashooyinka  ku qabsoomi  doonaan wakhtigoodii loo cayimay dalkana ka hirgaliyo  doorasho hufan oo  xalaala,”.