Xisbiga Kulmiye oo soo Dhaweeyay Dallada Himilo oo ku soo Biiray Xisbiga

0
67

Hargeysa(Dawan)Hoggaanka Xisbiga  Kulmiye ayaa Munaasibad soo dhawayn ah ugu sameeyay Magaalada Hargeysa Dallada Himilo oo ka dhisan Gobalada Maroodijeex iyo Awdal oo  ku soo  biirtay Xisbiga Kulmiye.

Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha ahna Guddoomiyaha  Xisbiga Kulmiye  Maxamed Kaahin Axmed oo hadal ka jeediyay munaasibad lagu soo dhawaynayay  Dalada Himilo oo ku soo biiray Xisbiga Kulmiye ayaa waxa  uu sheegay in uu ku hambalyaynayo himilada ay leeyihiin ee ay kaga leexdeen qabyaalada .Waxaana uu yidhi”Waxa aan idiku salaamayaa himilada iyo hanka aad leedihiin ee aad  ku samayseen Ururkan idika oo dad badana oo ka kala yimid  Gobalo ka duwan.waxaana  idiku hambalyaynayaa in aad u leexateen dariiqa noloshiina wax taraya.dariiqa aan nolosha  waxba ku  taran waa  qabyaalada Maanta Jaamacada dalka gobal walba way ka furan yihiin oo labo iyo mid iyo saddex ahayn,markaa qabyaalafa wax idiin tari mayso dhalinyaro  ayaad tihiin waxa idila gudboon  labo shay wakhtigiinu in aanu ku lumin meel aan noloshiina waxba ku tarayn.waana in aad  wax  barataan oo wax akhridaan oo taariikhda dalkiina akhridaan,Xisbiga Kulmiye waxa uu kaga duwan yahay Xisbiyada kale waa xisbi aasaaskiisu aanu qabyaalad ku dhisnan gudiyo reereed lagama xukumo.markaa waxa aynu doonaynaa in aynu aasaasno bulsho wanaagsan oo wax isku kordhisa oo wax isku tarta,”.

Sidoo kale Xubno ka mida  Dalada Himilo oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa tilmaameen in ay u taagan yihiin sidii ay u garabistaagi la haayeen  Xisbiga Kulmiye ayna ka aasaasan yihiin Gobalada Maroodijeex iyo Awdal.