Fikirka Iyo Akhlaaqda Wanaagsan

0
76

Marka aad fikirka iyo malaha xun ku bedesho mid wanaagsan waxaad helayso natiijada wanaagsan. Waxa la sheegay in nin xakiim ah ay maalin gabadhiisu ku tidhi โ€œ Maan arag reerkiina dad ka xun! Waxaana uu weydiiyay sababta? Waxay ku jawaabtay โ€œ Waxay inoo yimaadaan marka aan xoolo haysano, markaan faqiir noqono inooma yimaadaan.!

Waxaana uu ugu jawaabay ninkii caqliga badnaa โ€œTaasi waa akhlaaqda wanaagsan, waayo inooma imanayaan marka aynaan waxbaย  tariย  karin, waxayna og yihiin in aynaan awood u lahayn waxtarkoodaโ€.

Sidaasi ayuu qofka akhlaaqda wanaagsani dhinaca fiican wax uga arkaa. Dhaqanka ay gabadhu u aragtay xumaanta wuxu ugu muuqday odaygeeda mid wanaagsan oo naxariis leh. Marka aad ku bedesho fikirka xun mid wanaagsan waxaad bilaabi doonta natiijooyin wanaagsan.