Qaramada Midoobay oo u Muuqata in Aqbalayso Taliban

0
76

Talibaanka Afgaanistaan ​​ayaa soo dhownaya marti-qaadka Qaramada Midoobay ee shirka caalamiga ah ee ka dhacaya Qatar dhammaadka bishan, iyaga oo u arka mid lagu aqoonsanayo muhiimadda maamulkooda ee ku sii kordheysa caalamka.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah wuxuu u dhaxeeya Taliban iyo ergada caalamiga ah ee Qaramada Midoobay waxaana lagu wadaa inuu 30-ka bishan June ka furmo magaalada Doha ee xarunta gobolka Khaliijka, iyada oo ay si weyn u dhaleeceeyeen hay’adaha xuquuqda aadanaha u dooda oo ka saaray haweenka Afghanistan.

Taliban-ta Afgaanistaan ​​​​ayaa oggolaaday inay ka soo qaybgalaan markii ugu horreysay Waxayna  noqon doontaa kalfadhigii saddexaad shirarka loo yaqaabo “habraaca Doha.”

“Kulanka Doha waxaa la qaban doonaa, imaarada Islaamiga ah ee Afgaanistaan ​​oo si rasmi ah ayaa loogu martiqaaday inay ka soo qaybgasho,” Wasiirka arrimaha dibadda ee Taliban Amir Khan Muttaqi ayaa ku dhawaaqay bayaan muuqaal ah oo laga sii daayay xafiiskiisa Isniintii.

Taalibaan ayaa xukunka dib ugu soo laabatay muddo ku dhow saddex sano ka hor, waxayna magaalada Kabul ka dhiseen dowladooda mayalka adag ee ragga kaliya, taas oo loogu magac daray Imaarada Islaamiga ah, taas oo aan weli aqoonsan beesha caalamka.

“Waxaan la sameynay xidhiidh wanaagsan dalalka deriska iyo kuwa gobolka, waxaana sidoo kale si firfircoon u raadineynaa xidhiidh wanaagsan oo aan la yeelano dowladaha reer galbeedka iyo Maraykanka,” ayuu yidhi Muttaqi oo la hadlayay shaqaalihiisa wasaaradda ee caasimadda Afgaanistaan.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sanad ka hor bilaabay hannaanka Doha si loo sameeyo hab caalami ah oo midaysan oo lala yeesho Taliban, kuwaas oo gabdhaha Afgaanistaan ​​ka mamnuucay waxbarashada wixii ka dambeeya fasalka lixaad iyo haween badan oo ka mid ah goobaha shaqada ee dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa difaacay wadahadalka naadirka ah ee soo socda ee lala yeelanayo Taliban, iyaga oo ballan qaaday in ergey gaar ah oo ka socda ilaa 25 dal oo kulanka ka qeybgalaya ay “si xoog ah” u soo saari doonaan xannibaadaha xuquuqda haweenka iyo gabdhaha, iyo walaacyada kale ee xuquuqda aadanaha.

Jimcihii, Roza Otunbayeva, oo ah madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Afgaanistaan, ama UNAMA, ayaa ku nuuxnuuxsatay muhiimadda ay bulshada adduunku u leedahay inay wadahadal toos ah la furto Taliban, iyada oo soo jeedisay inay abuuri karto fursado haweenka Afgaanistaan ​​​​ka qaybqaataan wadahadallada mustaqbalka.

Kooxaha xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan Amnesty International iyo Human Rights Watch, ayaa si kulul u dhaleeceeyay Qaramada Midoobay inay Taliban ku casuuntay wadahadalada Doha halkii ay kula xisaabtami lahaayeen “dambiyada” ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha Afgaanistaan.

Daalibaan ayaa si adag u difaacay maamulkooda, iyaga oo ku andacoonaya in uu la safan yahay dhaqanka Afgaanistaan ​​iyo sida adag ee ay u fasiraan shareecada Islaamka. Kooxda mayalka adag ayaa xukunka la wareegtay bishii Agoosto 2021 iyada oo ciidamada NATO ee uu hoggaamiyo Maraykanka ay ka baxeen Afgaanistaan ​​ka dib ku dhawaad ​​labaatan sano oo ay ku jireen dagaalka ay kula jireen Talibanka kacdoonka wada.

Guterres ayaa shir guddoominayay kulamadii hore ee Doha, laakiin fadhiga soo socda waxaa martigelin doona DiCarlo. Waxay u safartay Kabul bishii May waxayna ku casuuntay Muttaqi inuu ka soo qayb galo wada hadalada. Taliban weli ma aanay xaqiijin in wasiirkooda arrimaha dibadda uu hoggaamin doono wafdiga kulanka.