“Somaliland Guul ayay u Tahay in Dib loo soo Doortay Xildhibaannada Ingiriiska ee Taageersan Qadiyadeeda”

0
62

Qore Khadar M. Dhako

London (Dawan) Aqoonyahanad Marwo Rooda Maxamuud Karaani ayaa ka hadashay muhiimada ay Jamhuuriyadda Somaliland Somailand u leedahay doorashada ka dhacday dalka Ingiriiska oo dib loogu soo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka ee taageera qaddiyada Somaliland iyo Raysal Wasaare cusub.

Marwo Rooda Maxamuud Karaani oo u waramaysay Wargeyska Dawan ayaa waxa ay intaasi ku dartay in ay Somaliland guul u tahay doorashada ka dhacday dalka Ingiriiska oo ay ku soo baxeen xildhibaano si weyn ugu olaleeya in Somaliland la Ictiraafo.

Rooda Maxamuud oo arrimhaaasi ka hadlaysayna waxa ay tidhi “Aad iyo aad ayey guul ugu tahay Somaliland doorashada ka dhacday dalka Ingiriiska, waxaana soo noqday dhawr xildhibaan oo taageersan qaadiyadda Somaliland oo ay ka mid yihiin Rushana (Tower Steven of Cardiff, Barry Gardner of Brent iyo qaar badan oo cusub oo ka mid ah saaxiibada Somaliland, kuwaasi oo qaarkood Somaliland ka soo shaqeeyeen, xisbi kaliya ayaa hayay 17 sanno talada dalka Ingiriiska, madaxda sarre waxa isbadashay ugu yaraan ilaa shan jeer. Xisbiga Conservative ee mudadaas dheer talada Uk hayay ee la badalay waxa isku badalay shan raysal Wasaare, kan Mucaaradka waxa la badalay Guddoomiyaha. shantii sanno mar bay ka dhacdaa doorashada Ingiriiska, waxaana inta badan helayay doorashada Xisbiga Conservative, waxaaana Raysal Wasaare nimada lagu helaa inta Xildhibaan Baarlamaanka uu ka helo Xisbigu.”

Marwo Rooda Maxamuud Karaani waxa ay intaasi raacisay “Xildhibaan Stephen Doughty oo ka mid ahaa gudidii waday Ictiraafka Somaliland waxa loo magacaabay Wasiirul dawlaha Arrimaha Dibadda Barwaaqo sooranka iyo Mucaawimooyinka dalka Ingiriiska”.

Marwo Rooda waxa kale oo ay tilmaantay in Somaliland ay ku xeeran yihiin Wadamo cadawaad u haya, waxaana ay tidhi “Wadankeena waxa ku xeeran cadaawad farobadan iyo xaasidnimo badan oo la qarsanayay ayaa soo baxday, waana ta keentay in Jabuuti isku keen dhereriso iyo Xamar oo aan xor ahayni in ay isku keen dhereriso, waana la arkayaa waxa ka dhacaya Heshiiska MoU ee ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Itoobiya”.