Weedha Wargeyska Djibouti iyo Xamar ha Aqballeen Ictiraafka Somaliland

0
43

Isbedellada ka socda Geeska Afrika waxay leeyihiin saamayn kala duwan oo isugu jirta fursad iyo halis. Gobolkan ayaa ah mid u nugul xasaradaha siyaasaddeed, ruxanka tirarka dhaqaalaha iyo amni-darada.

Waxa kale oo geeska Afrika dhibaatooyinka ka jira kamida khilaafka dhinaca xuduuddaha iyo saboolnimo baahsan ee ku gedaaman khayraadka dabeeciga ah.

Koboca bulsho iyo jiritaan la’aanta meelaha qaar sida Soomaaliya oo kale nidaamyo dawladdeed oo awood u leh xakamaynta isku-dhacyadu waa khatar kale oo ban-yaal ah oo gobolka ka jirta.

Halkan marka la jooggo Somaliland waa jilaa aan la dhayalsan Karin kaalinta ay ku leedahay yaraynta mushkiladaha gobolka ka jira iyo kuwa mustaqbalka iman kara, juquraafi ahaan, nabad-gelyo ahaan iyo dhaqaale ahaanba.

Tanina waa sababta ay Itoobiya oo kamida Dalalka ugu nugul Afrika xagga saboolnimada, isla markaana dareen ka qabta mushkilada juquraafiyaddeed ee haystaa ay saaxiibka dhow ula tahay Somaliland, iminkana uga badheedhay heshiiska Isfaham ee lagu qeexay danaha laba geesoodka ah ee dhex maray horaantii sanadkan madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Reysal-wasaaraha Itoobiya, kaasoo haddii uu guulaysto ka jawaabaya laba qaddiyadood oo ahmiyad weyn u leh xasiloonida iyo horumarka gobolka geeska Afrika, ayna tahay in adduunka oo dhami soo dhaweeyo oo uu aqbalo, gaar ahaan Golaha Midowga Afrika iyo Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysaa inay deg deg u tixgeliyaan Aqoonsiga Somaliland oo ah talaabo muhiim u ah mustaqbalka Mandaqada, taasoo ah mid aan indhaha iyo afka toona laga daboolan karin.

Dabcan waa hubaal in wadamada gobolka qaarkood shaki weyn ka qabaan inuu saameyn taban ku leeyahay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya danahooda dhaqaale, taasoo ah arragti dhinac qudha ku qotonta oo aanay samo-talisnimo danaha guud ku jirin, kuwaasoo sidoo kale aqoonsiga Hargeysa ula muuqdo in uu wax ka dhimayo saameyntooda gobolka, haddana ay ku adagtahay inay dareenkooda noocaas ah kor u qaadaan oo ay gorgortan caafimaad qaba oo lagala xaajoon karo miidaanka keenaan. Tusaale ahaan Djibouti way Ictiraafsan tahay Somaliland inay tahay dalkii xornimada qaatay 1960-kii iyo inay tahay Jamhuuriyad siddeeda oo kale madaxbanaan oo maamusha dhulkeeda, Baddeeda iyo Hawaddeeda, hase yeeshee way hagranaysay inay codkeeda ku biiriso in loo ogollaado inay goleyaasha Caalamka kursi ku yeellato, sida midowga Afrika iyo Qaramada midoobay 33 sannadood.

Haddaba haddii ay halis u arragtay Heshiiska Itoobiya dhex maray inuu khatar ku yahay dannaheeda way heli kartaa inay iyadu ku dhawaaqdo ictiraafka rasmiga ah ee Somaliland iyaddoo eeggaysa maslaxaddeeda, balse taas bedelkeeda waxa ay fad-kudisay duufaan kicin iyo abuurista dabeylaha amni-darro oo ay iyaddu saameyntooda uga nugushahay dhamaan dalalka Gobolka, waxaanay isku dayaysaa inay abuurto isbahaysi-siyaasaddeedyo cusub oo gobolka iyo qaarada Afrika ka samaysma, kuwaasoo taageero aan hiil ahayn oo ah dan wada difaacasho doonaya inay siiyaan maamulka Soomaaliya oo aaminsan inay Somaliland kamid tahay dalkooda, kana soo horjeeda madaxbanaanida Jamhuuriyadda 34 ee sanno jirsatay.

Hase yeeshee, taasi waa ficil fahamkiisu falaadhaha cadceeda ka dhex muuqdo oo aad u liita, jirinna wax fursad iyo faa’iiddo ah oo ugu jiraa, maadaama madaxweyne Geellaha Djibouti iyo Xasan Sheikha Xamar toona aanay lahayn amase aanay haysan tamar iyo taageero culus oo ay isku hortagaan talaabo qaadka Jamhuuriyada Somaliland iyo saaxiibadda gobolka iyo qaarada.

Si kastaba ha ahaatee, Somaliland may dhalan maanta ama 1991-kii ee waxay leedahay taariikh Dalleed oo aad u qoto dheer, taasoo milad iyo markhaati u ah qaranimaddeeda, isla markaana u sahlaysa in loo tixgeliyo madaxbanaanideeda iyo inay kursi buuxa ku yeellato Qaramada midoobay.

Waxa kale oo ay buuxisay dhamaan tiirarka dalnimo iyo kuwa dawladdeed ee ay shuruucda caalamiga ahi aqbalayaan.

Sidaas darteed isbedellada ka socda gobolku waxay si sahlan ugu suurtogelinayaan inay aqoonsadaan dalalka Afrika iyo daneeyayaasha dibada kale.

Sidaa awgeed Kooxaha ku fooggan falcelinta ka soo horjeeda danaha Somaliland oo ay ugu horeeyaan maamullada Djibouti iyo Soomaaliya ka dhisani, waxa la gudboon inay isu dhiibaan oo ay aqballaan xaqiiqada foollanaysa ee ah aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo ay isbedellada gobolka iyo caalamku hogaaminayaan, lana gaadhay wakhti aan laga maaransanayn oo ay dabada ka riixayaan dabaylaha siyaasaddeed ee adduunka ka socdaa.

Haddiise ay ku sii adkaystaan go’aankooda diidmada horumarka iyo guulaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa iman doonta maalin aan fogayn, inay waayaha runta ahi godkooda ugu gallaan oo ay wanaagga ay hadda aasayaan baryo iyo soomaalinimo kaga raadiyaan Hargeysa.