Somaliland oo Saaxiibo ku Yeelatay Xukuumadda Cusub ee UK

0
79

Guusha Jamhuuriyadda Somaliland usoo hoyatay waa maxay?! Ugu horayn, guusha Jamhuuriyadda Somaliland u soo hoyatay waxa weeye in xukuumadda cusub ee goaha wasiirada ee xisbiga talada dalka UK ku guulaystay uu ku soo daray masuulyiin taageera qaddiyada jamhuuriyadda Somaliland oo uu ka midyahay wasiirka cusub ee maaliyadda dalka UK, mudane xildhibaan Darren Jones iyo xildhibaan Kerry McCarthy oo wakhti dheer ku soo jirtay xisbiga labour ka.

Xildhibaan Kerry McCarthy waa xildhibaan in badan siyaasadda ku jirtay muddo dheerna xildhibaan ahayd. Waana saaxiibada Somaliland, sidoo kalana ka tirsan ururka “friends of Somaliland.” Waxayna booqosho ku timi jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, muddo ku siman 12 sannadood waxa wada shaqayn qoto dheer ka dhaxaysay xildhibaan Hibaaq Jaamac iyo xildhibaan Darren Jonen oo haddana ah wasiirka maaliyadda dawladda UK.

Intaas waxa dheer, xildhibaan Hibaaq iyo Xildhibaan Darren Waxay kasoo wada shaqeeyeen magaalada bristol ee dalka ingiriiska illaa iyo wakhtigii ay soo wada galeen siyaasadda.

Waxayna soo wada qabteen shaqooyin muhiim u ahaa dalka ingiriiska oo ay ka wada mid noqdeen jagooyin kala duwan marka laga yimaado jagooyinkooda xildhibaannimo, sidaas oo ay tahay xildhibaan Hibaaq waxa ay gaadhay inay qabato jago sare oo ah “safiirka maalgashiga iyo ganacsiga caalamka ee magaalada bristol ee UK.”

https://www.bristolpost.co.uk/…/inside-story-behind-how…

Muddadii ay ku wada jireen xisbiga labour ka oo talada dalka ku guulaystay maalinnimaddii 05/07/2024 waxay kusoo biiriyeen xisbiga taageero iyo talooyin badan iyagoo qayb ka ahaa guusha xisbiga. Sidoo kale, waxay dalka UK iyo magaalada bristol usoo jiideen oo ay ku guulaysteen maalgashiyo caalami ah, iyagoo keenay shirkado waawayn uu muhiim u ahaa dhaqaalaha dalka UK iyo magaalada bristol.

Marka laga yimaado caasimadda London ee dalka UK, magaalada bristol waa magaalada ay kasoo xarooto miisaniyadda ugu badan iyo dhaqaalaha dalka UK. Isla markaana ay magaalada bristol ku celiso dhaqaale aad u badan dalka UK marka laga yimaado inta kaga soo noqota.

Haddaba, aqoonta iyo wadashaqaynta ka dhexaysa xildhibaan Darren iyo xildhibaan Hibaaq waa mid soo xididaysatay, oo ay wada shaqayn badan soo wada yeesheen. Sidaas darteed, guushii xildhibaan Darren waxa qayb wayn ka qaatay xildhibaan Hibaaq waxayna u ahayd la taliye muhiima, iyadoo door muhiima ay ka qaadatay olalihiisa iyo guushiisaba.

Sidoo kale, xildhibaan Hibaaq waxay kasoo qayb qaadatay horumarinta jaaliyadda reer Somaliland ee degan dalka UK, gaar ahaan magaalada bristol iyo qaddiyada dib u aqoonsiga jamhuuriyadda Somaliland mudadii ay xilka haysay.

Runtii, xildhibaan Hibaaq kama aysan gabban jirin qaddiyada dalkeeda hooyo ee jamhuuriyadda Somaliland maadama oo ay kasoo jeedo kuna dhalatay, kana tagtay dalka iyadoo laba jir ah. Illaa iyo haddana waxay ka shaqaysaa sidii dalkeeda hooyo u heli lahaa aqoonsi buuxa. Waxayna ku hanwayn tahay inay wax badan ay usoo jiidi doonto haddii uu dalkeeda hooyo helo aqoonsi buuxa.

Ugu dambayn, xildhibaan Darren oo ah wasiirka cusub ee maaliyadda UK waxa uu aqoon durugsan u leeyahay jamhuuriyadda Somaliland maadama Somaliland ay xorriyadeedii ka qaadatay boqortooyadii ingiriiska 26/06/1960 kii. Muddadaas uu aqoonta u lahaa jamhuuriyadda Somaliland aad ayuu ula dhacsana horumarka ay gaadhay.