4 Darawal oo Xukunno kala Duwan lagu riday kadib markii ay Muqaal iska Duubeen iyagoo Waddada ku tartamaya.

0
80

Hargeysa (Dawan) War ka soo baxay taliska guud ee ciidanka booliska Somaliland, ayaa lagu sheegay in Maxkamadda gobolka Maroodi-Jeex, ay    xukuno kala duwan ku ridday 4 Darawal oo Ciidamada Booliska JSL, gacanta kusoo dhigeen dhawaan, kuwaas oo khatar galiyay naftooda iyo badqabka dadkii iyo duunyadii ay sideen.

Sidoo kale waxa uu warku intaas ku daray in dhammaan dirawaliintan lagu helay eedihii loo haystay.

Warkan ka soo baxay taliska ciidanka Booliska oo soo gaadhay Wargeyska Dawan,  ayaa u dhignaa sidan.

1-Khaalid Abiib Maxamed ina Hodan Xuseen 22 jir ah, 2 sannadood oo xadhig ciqaabeed ah.

  1. Cabdixakiin Cabdisalaan Maxamuud ina Xaliimo Maxamed 30 jir ah waxaa lagu xukumay 2-sannadood oo xadhig ciqaabeed ah.

3- Maxamed Mustafe Jaamac ina Hinda Cabdiraxmaan 29 jir ah waxaa lagu xukumay 2-Sanno xadhig ciqabeed ah

4- Maxamed Ibraahim Axmed (Maqane) waxaa lagu xukumay 3-sannadood xadhig ciqabeed ah iyo ganaax lacageed oo dhan Hal-Milyan oo Shilinka Somaliland ah

Gaba-gabadii warkan ka soo baxay taliska ciidanka booliska ayaa lagu sheegay in darawaliintani ay ku tartamayeen jidka dhexdiisa iyaga oo siday dad, isla markaana iska duubay muuqaalo ay ku faafiyeen baraha bulshada,   waxaanu warku intaas ku daray in  Ciidamadu ay degdeg uga hawlgaleen Isla markii falkaasi ay ku kaceen.

Taliska Ciidanka Boolisku ayaa faray wadayaasha gaadiidka inay ka digtoonaadaan falalka noocaas oo kale ah, ciddii ka waantoobi weydana waxa laga qaadi doona tallaabo sharciga waafaqsan.