Wasaarada Diinta iyo Awqaafta oo Tababar u Furay Haweenka Macalimiinta ka ah Madarasadaha

0
75

Hargeysa(Dawan):-Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ayaa tababar u furay shalay  Maamuleyaasha  haweenka  Macalimiinta ka ah Madarasadaha Magaalada Hargeysa.

Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sheekh Maxamed Xaaji Aadan Cilmi  oo hadal ka jeediyay furitaankii tababarkan  ayaa waxa uu sheegay in  haweenkan macalimiinta ay sharaf u tahay in quraanka ay dadka barayaan.Waxaana uu yidhi”Majliskan khayrka badan ee aynu iskugu nimid haweenkan macalimiinta ah   oo matala kumanaan kale oo  haweena.oo dalka leeyahay waxaana sharaf iyo karaamo idiiku filan quraanka aad dadka baraysaan,”.

Sidoo  kale Agaasimaha guud ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Khaalid Ibraahim Xasan isaguna hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu tilmaamay in ay ka go,an tahay Wasaarad ahaan  kor qaadista Cilmiga diiniga.Waxaana uu yidhi”Waa in aad ka faa,iidaysataan cilmiga ay idiin jeedin doonaan Macalimiinta laydiin soo xulay,madaama oo Wasaarada heegan u tahay   markasta in ay kor u qaado tacliinta cilmiga diiniga,waxaana loo soo xulay  haweenka Macalimiinta oo ka jaanis fiican haweenka kale,”.