Wefti Ka Socda Hay’adda Free Press oo Kulamo La Qaatay Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta JSL

0
95

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Hargaysa (Dawan) Wefti ka socda Hay’adda Free Press oo fadhigeedu yahay dalka Holland ayaa soo booqday Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland kuwaasi oo kulamo la qaatay Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada.

Weftigan iyo Madaxda Wasaaradda Warfaafinta ayaa ka wada hadlay qodobo muhiim aH oo ay ka mid yihiin horumarinta Saxaafadda iyo sidii loo hirgelin lahaa Xeerka Saxaafadda Somaliland, kaasi oo muhiimad wayn ugu fadhiya hagista iyo tayaynta warbaahinta dalka.

 

Intii ay Weftigu ku sugnaayeen wasaaradda Warfaafinta Somaliland  waxay soo booqdeen xarumaha kala duwan ee Wasaarada oo ay u soo kormeereen qayb qayb, iyaga oo u kuurgalaya shaqada baaxada leh ee ka socota waaxyaha warfaafinta,sidoo kale weftigan ayaa waxay  bogaadiyeen horumarka weyn ee ka socda Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, taasi oo uu isbedel wayni ka muuqdo intii uu joogay wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland mudane Cali Maxamed Xasan.

 

Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ayaa ku hawlan sidii loo horumarin lahaa saxaafadda Somaliland, ta gaarka loo leeyahay iyo ta dawliga ah ba, waxaanay qaaday mudooyinkii u danbeeyay talaabooyin kor loogu qaadayo aqoonka saxafiyiinta dalka, iyada oo loo sameeyay Machad lagu kobciyo tayada iyo ogaalka wariyayaasha dalka.

 

Sidoo kale wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa ahmiyad wayn siinaysa sidii loo heli lahaa xeerkii saxaafadda Somaliland, kaasi oo wax badan ka taraya geedi socodka horumarineed ee warbaahinta dalka.

 

Gebo’gabadii kulama aya masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta Somaliland la yeeshaan madaxda ka socota dalalka caalamka ayaa waxa ay diirada ku saaraan sidii kor loogu qaadi lahaa tayada saxafiyiinta dalka iyo sidii loo heli lahaa xeer lagu hago warbaahinta Somaliland.