Adeegsiga Iyo Waxtarka Eyda Ee Booliska!

0
67

Koox ka tirsan ciidanka Booliiska ayaa salaan sharafย  heer qaran ku sii sagootiyay Ey ka mid aha Booliiska oo dhintay. Eyga ayaa la dhigay Isbitaalka caafimaadka xoolaha ee magaalada Woolwich ee dalka Ingriiska. Sida lagu daabacay wargeyska Daily mail ee Ingiriiska ah,

Eygan oo lagu magacaabo Jadij aya 9 sano jiray, isagoo ciidanka booliiska la shaqaynayay muddo 6 sano ah. Warbixin booliisku soo saaray ayaa lagu sheegay in Eyga oo shaqada la qoray sanadkii 2007 uu mudadii u shaqada hayayย  ka caawiyay booliiksa qabashada 152 qof , 3 baabuur oo laga shakiyay iyo lacag la xaday oo dhamayd 47 kun doller.

Eygan ayaa shaqada ka fadhiistay sanadkii 2013 sababo caafimaad. Laakiin bishii June ee isla sanadka ayu ka sii daray caafimaadkiisu, taasi oo keentay in loo ururiyo maalin keliya lacag dhan 13 kun doller oo la doonayay in xaaladiisa caafimaad ee ka sii daraysa wax lagaga qabto,

ย 

laakiin taasi waxba kama tarin xanuunkii hayay. Dhakhaatiirta ayaa booliiska u sheegay in Eygan uu ka dhacay xanuun aanu ka bogsan Karin sidaas darteedna looga baahan yahay inay qaataan goโ€™an adag oo ay ku fasaxaan in Eyga nafta laga jaro madaama aanu ka bogsan Karin xanuunka haya.ย 

Booliiska ayaa isagoo nool dhakhtarka uu ku jiray ku siiyay salaan astaantooda oo ah oo ay ku maca salaameyeen isagoo goobta salaanta lagu siiyay laย  keenay ka dib markii ay ogolaadeen taladii dhakhaatiirta ee ahayd in Eyga ay nafta ay ka jaraan.