Kalfadhigii Maamus ka xayuubinta Xildhibaan Maxamed Abiib oo Dib loo dhigey

0
84

Hargeysa (Dawan) Golaha wakiillada Somaliland oo ku jira fasaxoodii dastuuriga ahaa, ayaa la isugu yeedhay Kalfadhi aan caadi ahayn, oo lagaga go’aan gaadhayay soojeedintii kaga timid xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, ee ku saabsaneyd in maamuus ka xuubin lagu sameeyo Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf Jaamac, oo ka mid ah golaha wakiillada Somaliland.

Haddaba yeedhmadii mudaneyaasha ee loo balansana maalinta Khamiista ee toddobaadkan ee la xidhiidhay go’aan ka gaadhista soojeedintii xeer ilaaliyaha guud ee ahayd maamus ka xayuubinta xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf Jaamac, ayaa dib loogu dhigey maalinta sababta ee toddobaadka soo socda, waxaana lagu sababeeyay in xildhibaanada qaarkood oo gobollada ku maqani ay dalbadeen dib loogu dhigo oo aanay soo gaadhi karin maalinta Khaamista.

Waxaa sidan lagu sheegay war ka soo baxay golaha wakiillada Somaliland oo uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha golaha wakiillada Mudane Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, waxaaney u dhigneyd sidan.