“Somaliland meel kasta oo ay Danteedu ku Jirto Cidna uma daba Fadhiisanayso,”. Dr. Maxamed Warsame Ducaale

0
71

Khadar.M.Dhako.

Hargeysa(Dawan)-Aqoonyahan Dr. Maxamed Warsame Ducaale ayaa sheegay  in  Somaliland  aanay  cidna u daba fadhiisanayn danaheeda.

Dr. Maxamed Warsame Ducaale ayaa  intaa ku daray in uu dhaqangelayo heshiiska MOU ee Somaliland iyo Itoobiya,waxaanu tilmaamay  wax kasta hadday samayso Soomaaliya aanay hor istaagi karin.

Maxamed Warsame oo Arimhaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Somaliland meel kasta oo ay danteedu ku jirto cidna uma daba fadhiisanayso,MOU waa la saxeexayaa dantayadana annaga ayaa ka talina Badda Cas Somaliland ayaa iska leh ninka aan shan kiiloo Mitir xukumin Balcad  iyo afgooye waxa aan leeyahay waxa aad doontaan sameeya.waxa aan maqlayay cidba badaha u difaacaysa MOU wuu socday,waanan difaacaynaa baddayada markaa qoladaa Xamar waxa aan leeyahay candhuuftiina dib u liqa waar walaalo jaara ma, noqonaa,mana joojin kartaan  xumaanta, xuduuduhu waa sidoodii waana la yaqaanaa  Xuduudaha Somaliland,waa  kuwii  1960kii reer Somaliland waxa aan leeyahay cadawgiina ogaada.waana in la ururiyo dambiyada ay  inaga galeen,”.