Xikmadaha Maanta!

0
62
  • Haddii xumaantu badato, farxadduna way yarataa.
  • Damiirka saafiga ah waa barkimada ugu wanaagsan ee nasashada.
  • Qofkii beera wanaaga wuxuu goostaa mahadnaq
  • Daawada cadhadu waa aamusnaanta.
  • Maskaxda ku taageer cilmiga
  • Mu’minku wuxuu dhintaa isagoo bedqaba oo faraxsan.
  • Qofkii khaldama waa bani aadam, kan ku adkaystana waa shaydaan.
  • Hooyadu waxay abuurtaa qaranka.
  • Kulanka walaaluhu wuxu meesha ka saaraa murugada.
  • Dulqaadka aad naftaada u muujisa waa kalsooni, kana aad qoyskaaga u muujisaa waa kalgacal, nooca dulqaad ee aad bulshada kale u muujisaana waa qadarin iyo xushmad.
  • Dhibaato kasta oo aad soo marta waxay ka dhigta qof jabay ama qof sii jiri kara oo xalilaya dhibta. Hadafkaaga iyo dadaalkaaga ayaa ka dhigaya guulasyte ama fashilme.
  • Ha raadin qof weji qurux badan, laakiin raadi qof qalbi wanaagsan, maax yeelay waxa kasta oo qurux badani ma wanaagsana, laakiin wax kasta oo wanaagsani way qurux badan yihiin.