Cisbitaalka Burco oo furay Xarunta la Socodka Xanuunada Raaga

0
80

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Burco (Dawan) Cisbitaalka guud ee magaaladda Burco ayaa laga daahfuray xarunta daryeelka iyo la socodka xanuunada raga, kaasi oo uu cisbitaalku baahi wayn u qabay.

Hirgalinta xaruntani ayaa waxa iska kaashaday cisbitaalka kaalin ururka Saaha oo ka taageeray daawooyinka iyo qalabka xauntan, waxaana lagu daryeeli doonaa dadka qaba xanuunada raga sida Xiiqda, Macaanka, Dhiig karka, Wadna xanuunka iyo kuwa la midka ah.

Munaasibad kooban oo lagu daahfurayay xaruntan laga hirgaliyay cisbitaalka Burco ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiinta cisbitaalka Burco, saraakiisha ururka Saaha iyo shaqaalaha cisbitaalka Burco kuwaasi oo dhamaantood soo dhaweeyay xaruntan baahid ay u qabeen shacabka ku nool magaaladda Burco.

Agaasimaha cisbitaalka Burco Dr. Cabdiraxmaan Axmed Muxumed ayaa soo dhaweeyay hirgalinta xarunta daryeelka iyo daawaynta xanuunada raga, waxaanu ugu baaqay bulshada Burco inay soo booqdaan xaruntani qof kasta oo la nool xanuunada raga, si ay ula socdaan xaaladooda cafimaad.

Agaasimaha cisbitaalka Burco ayaa sidoo kale sheegay inay daawada iyo daryeelka dadka la xanuunsan xanuunada raga ay bilaash ku siinayaan adeega iyo daawadaba haddii aanu qofku awood u lahayn kharashka laga rabo.

Geesta kale Agaasimaha cisbitaalka Burco ayaa si wayn ugu mahad celiyay ururka Saaha iyo hawl wadeenadiisa oo uu qiray in ay kaalin muuqata ka gaysteen hirgalinta xaruntani, waxaanu xusay inay ka taageereen qalabka iyo daawooyinka xarunta.

Ugu danbayn Agaasimaha cisbitaalka Burco ayaa sheegay in xaruntani ay tahay mid ka dhinayd cisbitaalka iyo magaaladda Burcaba, waxaanu sheegay in adeega ay qabanayso uu yahay mid ay aad ugu baahnaayeen bulshada Burco.

Dhankooda masuuliyiinta ururka Saaha ayaa soo dhaweeyay furis xaruntani muhiimka u ah magaalada iyo shacabka Burco, waxaanay sheegeen in ay mar kasta garab taagan yihiin daboolista baahi kasta oo ka jirta cisbitaalka Burco.

Xaruntan ayaa la filayaa inay wax wayn ka tari doonto baahida ay qabaan dadka qaba xanuunada raga oo u baahnaa goob lagu daryeelo oo ay ka helaan daawayn iyo daryeel hufan.