“Itoobiya Si-rasmiya ayay u Aqoonsatay Baasaboorkeenna” Xildhibaan Cilmi

0
77

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Cilmi Cabdillaahi Xasan, oo ka mid ah mudaneyaasha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, oo xaalad caafimaad u tagey dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya, oo ku safray basaboorka shaqaalaha Somaliland, ayaa ka markhaati kacay in dowladda Itoobiya si toos ah u aqoonsatay basaboorka JSL.

Xildhibaanka ayaa xusay in markii uu ka degay garoonka diyaaraha ee Booli ee magaalada Addis-ababa, loola macaamilay sidii loola macaamilayay sida dadkii ka yimid Yurub iyo Mareykan, waxaanu intaas ku daray in ixtiraam iyo qadarin ay u hayaan basaboorka Somaliland uu kala kulmay maamulka iyo shaqaalaha garoonka diyaaraha ee Booli Airport .

Sidoo kale waxa uu bulshada reer Somaliland ku booriyay inay qaataan basaboorkooda haddii ay caafimaad u socdaan iyo haddii ay booqasho u socdaan intaba, waxaanu sheegay in wax shuruuda oo lagu xidhaya aanay jirin, kaliyana loogu dhufanayo Fiisaha dal ku galka.

Waxanau yidhi.“Basaboorka Somaliland ee ka shaqaalaha ayaan ku tagey dalka Itoobiya aniga oo usocda xaalad caafimaad, garoonka diyaaradaha ayaa shaanbada la igaga dhuftay sidaasi ayaan ku tagey cisbitaalkii aan rabay oo ku yaalay magaalada Adis-ababa.

Bulshada Somaliland waxaan leeyahay qaata basaaboorkii xor ayaa laga dhigey, Itoobiya way aqoonsatahay, qofkii sita wax la weydiinaya majiro, waana basaboorkii Somaliland ee shaqaalaha, toosba markii aan diyaaradii ka deg, ee Garoonkii Booli cagta saaray ayaa shaambadii gelista aniga Fisa la igma qaadin ee wiilkii ila socday ee iwaday 80 dollar ayaa laga qaaday.”

Sidoo kale ku booriyay inay qaataan basaboorka haddii ay caafimaad u socdaan iyo booqasho intaba, waxaanu sheegay in wax shuruuda oo lagu xidhaya aanay jirin, kaliyana lloogu dhufanayo Fiisaha dal ku galka.

Waxaanu yidhi. “Qofkii xannuunsanaya iyo kii dalxiis u tagayaba waala ogol yahay basaboorka Somaliland in lagu tago dalka Itoobiya, waana guul inoo soo hoyatay, taasina waxa ay caddeynaysa in Basaboorkeeni la ictiraafay”.