“Xisbigaas Aqoonsiga Soo Wada Ayaynu Codkeena Siinaynaa” Wasiirka Qarshaynta JSL

0
80

 

Qore: Khadar M.Xaashi

Hargaysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland Axmed Maxamed Diiriye Toorno ayaa bulshada ugu baaqay inay codka siiyaan Xisbiga Kulmiye oo uu sheegay in Aqoonsigii Somaliland ay raadinay mudada badan oo keenayo, haddana ay muuqato rajadii Ictiraafka iyo in gacta la saaray jidkii keenista Aqoonsiga.

Wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka oo ka hadlayay munaasibad xisbiga Kulmiye ku soo dhaaynayay shan dalladood oo dhalinyaro ah oo ka soo diga rogtay xisbiga Waddani xilalna ka hayay ayaa taageerayaashaasi cusub ugu bishaareeyay inay ku soo biireen xisbigii rajada Aqoonsiga Somaliland.

Wasiirka ayaa xusay in deegaanka ay dhalinyaradani ka soo jeedaan o markii hore u badnaa taageerada Waddani ay hadda ka soo noqdeen oo dhamaan bulshada deegaanku ay boqolkiiba sideetan ay yihiin taagerayaasha xisbiga talada haya ee Kulmiye, waxaanu tusaale u soo qaaatay tira badnida dhalinyaradda munaasibada ka soo qayb galay oo ahaa cudad deegaankaasi.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku dheeraaday waxqabadka uu xisbiga Kulmiye ka fuliyay guud ahaa dalka gaar ahaan deegaanka ay ka soo jeedaan dhalinyaradan waxaanu yidhi

“Dhalinyarada, Cuqaasha iyo haweenka ayaa muujinaya in aan taageero ahayn maro ay meel sudheen xisbigaasi balse taageeradii runta ahayd ay tah tahay.

Reer Somaliland waxa aynu leenahay Aqoonsigii baa soo socdee, xisbigaa Aqoonsiga soo wada ee geedigii soo wada ee halka aynu doonayno u guuraya aynu codka dhamaanteen siinaynaa”.