Dalxiiska Kiniisadda Maydka !

0
80

Goobaha dalxiiska ee dunida ayaa aad u kala duwan, kuwaasi oo ay xiiseeyaan dadka booqnayaa. Magaalada Palermo ee Jasiiradda Sicily ee dalka Talyaaniga oo ay ku taallo Kiniisada qadiimka ah ee ay leedahay kooxda kiristaanka ah ee lagu magacaabo Kaben ayaa ah mid lagu soo bandhigo qalfoofka dadkii dhintay ee caanka ahaa.

Qaybta hoose ee Kiniisiadda waxa ku yaal qol xabaal ah oo lagu ururiyay dad badan oo dhintay. Kuwaasi oo kala ahaa wadaado kiristaan ah, dad Madax ah iyo dad kale oo badan oo aqoonta iyo daโ€™daba kala duwana.

Waxa lagu ururiyay lafaha iyo qalfoofka dadkaasi dhintay oo la dhigay lana sudhay gidaarada kiniisadda iyagoo dharka ay xidhan yihiin si joogto ah looga bedelo. Mararka qaarkood dalxiisyaasha ayaa u qaata inay nool yihiin sida loogu xidhay dharka loona huwayay goโ€™yaasha iyagoo qaarkoodan loo xidho muraayado.

Dalxiisayaasha aya aad u yaaba marka ay u dhowaadaan oo ay ogaadan inay yihiin lafo isku xidhxidhan oo maryo loo xidhay. Sheekadan ayaa bilaabantay qarnigii 16aad ka dib markii wadaado ka tirsan ahi ay kiniisadan isugu geeyeen dadkii dhintay.

Maydkii ugu horeeyay oo ahaa wadaad kiristaan ayaa la dhigay 1599, iyadoo maydkii ugu danbeeyayna la dhigay 1920 taasi oo ahayd gabadh yar oo laba sano jirtayย  oo la odhan Rosalia Lombardo, waxaana ay u dhimatay xanuun sanbabada ah. Iyadoo maanta laga garan karo dhamaan qalfoofka yaalla waxaana ku xidhan Kaadh magaciisa iyo waxa uu qaban jiray ku qoran yihiin. Qalfoofka maydka ayaa loogu maydhaa biyo khal ah isla markaana waxa loo xidhaa maydka wadaada kiristaanka ahaa dharkii ay xidhan jireen , ragga iyo dumarka ayaa iyana loo xidhaa mid kasta dharka lagu yaqaano.

(Source: Capuchin Catacombs Of Palermoย inย Sicily.)