Nolosha Iyo Hawada Ogsijiinta!

0
72

Ogsijiin waa curiye kimikaad oo astaantiisu tahay O, halka tiradiisuna tahay 8, Waana qaybtaย  Chalcogen ee Periodic table-ka. Curiyayaasha dunida guudkeeda jira ayay ka kooban yihiin dhamaan alaabooyinka iyo noolaha dunida guudkeeda jooga.

Ogsijiintu waxay leedahay faaโ€™iidooyin badan oo aanad dareemayn, ka sakow baahida neefsasho ee Aadmiga, waxa Ogsijiinta ku sheqeeya mishiinada gaadiidka oo dhan kuwa dhulka, badda iyo cirkaba haddii la waayona ma jirayo mishiin shaqayn karaan.

Jidhka Aadamigu waxa uu leeyahay hab uu isaga laftiisu uu ku dhlaiyo ogsijiinta, marka aad jimicsi xoog leh aad sameyso, xubnuhu waxay isticmaalaan ogsijiinta ku kaydsan gudaha, glucose-ka ayaa soo saara tamarta uu jidhku u baahan yahay ee siyaadada ah marka loo baahdo. Sidaasi si la mid ah unugyada jidhka ayaa soo saara oxygen marka ay dareemaan ogsijiin yaraan.

Haddii Ogsjiin la waayo shay kasta oo adke ahi wuxu isu bedelayaa dareere. Dhulka waxa uu ka kooban yahay 46% Ogsijiin, haddii la waayona dhulka isagana ma jirayo. Dhamaan alaabta sida looxa, dharka, gidaarada iyo suufku waxa ay ka kooban yihiin lakab isku xidha kaasi oo aan taagnaan karin Ogsijiin laโ€™aanta. Sidaa awgeed waxa kasta oo dunida guudkeeda yaalla waa uu baabaโ€™yaa ogsijiin laโ€™aan.