Markii uu quraacday ee uu lebistay ayuu shaqo tagay. Qolkiisa akhriska ayuu galay wuxu ahaa mid boodh badan oo shaashada TV-ga uu boodhku qariyay , wuxuuna kaga tegay muftaaxyadii xafiiskiisa.ย Gabadhiisa ayuu ka codsaday inay qolka uga soo saartoย muftaaxyada uguna keento xafiiskiisa.
Markii ay qolka gashay ayay ku aragtay shaashadii TV-ga ee boodhka lahayd qoraalkan โ Niyad iyo Kalgacal badan ayaan u hayaa Xaaskaygaโ.ย Way khriday weedhihiisa, waana ay fahantay ujeedada oo ah baraarujin dhinaca nadaafadda ah.
Muftaaxii ayay u qaaday waxayna u raacisay fariinta ah โ Way isoo gaadhay fariintaadu, waana aan ku dadaali doonaa nadaafadda, waxaan ku hayaa kalgacal aad u badanโ.
Sidaasi ayuuย ninkaa caaqilka ahi u saxaa xaaskiisa haddii uu khalad ku arko isagoon niyadeeda waxba yeelin.ย Dhaqanka wanaagsan abuur oo burburiya dhaqanka xun.