Madaxweynaha oo Xadhiga ka Jaray Mashaariic Muhiim ah

0
67

 

Berbera (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa xadhigga ka jaray mashaariic muhiim ah ay xukuumaddiisu hirgelisay, ila markaana dhagax-dhig mashaariic cusub oo laga fulin doono gobollada Saaxil iyo Togdheer.

Madaxweynaha, ayaa ugu horrayn xadhigga ka jaray 62-KM ah oo ah waddada laamiga ah ee u dhexaysa Berbera iyo Burco oo xukuumaddu dib u cusboonaysiisay.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu dhagax-dhigay 64 KM oo ah oo waddada isku xidhaysa magaalooyinka Sheekh iyo Berbera oo xukuumaddu dhawaan dib u cusboonaysiin ku samayn doonto.

Dhinaca kale, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu xadhigga ka jaray Buundada weyn ee KALA-JAB oo ay xukuumaddu dhammaystirtay.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sidoo kale kormeeray dhismeyaal cusub oo loo binaynayo qaar kamid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Berbera, kuwaas oo dhismehoodu ka socdo duleedka magaalada Berbera, isaga oo dhagax-dhigay mashruuca DUBAAR oo ka kooban 20-Ceel Biyood iyo waddo 9KM ah oo lagu xidhayo keydka biyaha.