“Shaqada aanu Bulshada u Qabanaa Waa Mid Markasta Kobcaysa”Maareeye Daarood

0
60

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Wakaallada Biyaha magaalada Hargeysa, ayaa la soo degtay mishiin cusub oo casriya kaasi oo qayb ka noqonaya dadaalada wakaalada ee adeega dabka wakaalada.

Masuuliyiinta wakaallada biyaha ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in mishiinkani yahay kun iyo boqol KFA, kaas oo loo adeegsanayo dhallinta dabka biyaha Geed Deeble ka yimaada.

Maareeyaha wakaallada biyaha Mudane Maxamed Cali Daarood, ayaa sheegay in uu yahay mishiinkii saddexaad ee la keeno intii la furay wajiga labaad ee mashruuca biyo balaadhinta caasimada waxana uu yidhi “Wakaaladu laba shaqo ayay u xil saaran tahay, in kaabayaasha biyaha soo gaadhsiinaya magaalada hawshoodu noqoto mid joogto ah oo aanu hakad ku iman, taasi ayuu mishiinkana qayb ka yahay.

Ta labaadna waxa weeyi horumarinta kaabayaasha biyaha Hargeysa, haddii ay tahay kuwa biyo fidinta iyo kuwa biyo xidheenada sida dhaamamka”

Maareeye Daarood ayaa sheegay in shaqada bulshada ay u hayaan ay ka go’an tahay inay noqoto mid markasta kobceysa. “Wakaalad ahaan waxa naga go’an shaqada aanu bulshada u qabanayno inay noqoto mid markasta kobcaysa, iyada oo loogu fikirayo aqoon iyo qorshe caafimaad qaba, bulshada caasimadana waxaan leeyahay nala shaqeeya”