Guddoomiyaha UCID oo ku Baaqay in laga Shaqeeyo Midnimada Shacabka

0
138

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ku baaqay in wakhti xaadirkan loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo Midnimada shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.

Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu sheegay in saddexda xisbi ay ka wadahadli doonaan difaaca qaranka iyo kor u qaadista nabedgalyada doorashooyinka iyo heshiiska is-fahan (MoU) ee dhex maray Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Itoobiya.

Faysal Cali Waraabe oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aanu ku heshiinay saddexda xisbi wixii shacabkeena dhibaato u keenaya in aynu iska ilaaliyo, Maanta (shalay) waanu isu imanaynaa saddexda xisbi. waxaana aanu ka wadahadli doonaa dhibaatooyinka taagan in aanu isku siyaasad ka noqono oo ay kow ka tahay difaaca qaranka iyo kor u qaadista nabedgalyada doorashooyinka iyo MoU.”

Guddoomiyaha xisbiga UCID waxa kale oo uu bulshada reer Somaliland ugu baaqay in aanay hoggaamin dad uu ku tilmaamay in ay cimaadaha iska qaaqteen, waxaanu yidhi “Bulshada waxaan leeyahay yaanay idin hogaamin nimanka cumaamadaha iska qaatay ee xafladaha ka hadla marka gabadh la bixinayo, codkiina idinka ayaa leh Saddexda musharax iyo ku xigeenadooda ayaa la kala dooranayaa, hadii doorashadii lagu heshiiyay waa in aynu hareeraha iska taagno weeye waana in aynu nabad ku codayno, dalka difaacno, Midnimadana in laga shaqeeyo weeye”.