Bamb Been Abuur ah oo Argagax Ku Abuuray Shirkadaha Diyaaradaha Hindiya

0
39

Ugu yaraan 10 duullimaad oo Hindiya ah ayaa 48-kii saac ee la soo dhaafay waxa soo gaadhay hanjabaado bambaano oo been abuur ah, taas oo ku keentay dib u dhac dheer iyo leexasho.

Salaasadii, Ciidanka Cirka ee Singapore ayaa u diray laba diyaaradood oo kuwa dagaalka ah si ay ugu galbiyaan diyaaradda Air India Express meel ka fog meelaha ay dadku ku badan yihiin ka dib markii ay heleen fariin bambaanooyin saaran diyaarada.

Saacado ka hor, diyaarad ay leedahay Air India oo ka soo duushay Delhi kuna socotay Chicago ayaa ku qasbanaatay inay ku degto garoon diyaaradeed oo Canada ku yaal si ay uga hortagto qarax fariimaha loo sheegay.

Fariimaha bambaanooyinka been abuurka ah ee lagu hayo shirkadaha diyaaradaha ayaan ahayn wax aan caadi ahayn gudaha Hindiya laakiin ma cadda waxa dhaliyay kor u kaca degdega ah tan iyo Isniintii.

Saraakiisha ka tirsan Agaasinka Guud ee Duulista iyo Hawada ee dawladda ayaan wax jawaab ah ka bixin email-lada BBC-da si ay wax uga weydiiyaan.

Marka laga tago Air India, shrkadaha kale ee India eek ala ah: IndiGo, SpiceJet iyo Akasa Air ayaa duulimaadyadeedu sidan oo kale heleen hanjabaadaha.

Isniintii, saddex duullimaad oo caalami ah oo ka kacay Mumbai ayaa la leexiyay ama dib loo dhigay ka dib markii barta X (oo hore u ahaan jiray Twitter) ay soo bandhigtay hanjabaado bam. Booliska ayaa sheegay in arrintan loo xidhay wiil dhalinyaro ah.

Salaasadii, todobo duulimaad oo ay ku jiraan labada diyaaradood ee Air India, ayaa waxaa saameeyay hanjabaadaha lagu soo qoray bar X ah oo hadda la hakiyay. qoraallada qaar ka mid ah ayaa muujinaya shirkadda diyaaradaha iyo lambarka duulimaadka sida ay sheegeen  booliiska deegaanku.

Shirkadda Air India ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay la shaqaynayso mas’uuliyiinta si loo ogaado dadka ka dambeeya hanjabaadaha, si looga qaado tallaabo sharci ah si ay uga soo kabtaan waxyeelada soo gaadhay hanjabaadaha.

Madaar kasta oo Hindiya ah waxa uu leeyahay Guddiga Qiimaynta Khatarta Bambaanooyinka kaas oo qiimeeya khatarta oo qaadaya tallaabo ku habboon.

Intaan la amrin duulimaad ayaa Rakaabka ayaa la baadhaa sidaas oo kale shandadahooda, iyo xamuulkaba, Kooxaha Injineerada iyo kuwa amaanka ayaa sidoo kale baadhaya diyaaradda ka hor inta aan loo cadeyn in ay mar kale duuleyso.

Dib u dhaca ka dhasha waxa uu ku kici karaa kumannaan doollar oo khasaare ah oo soo gaadha shirkadaha diyaaradaha iyo hay’adaha ammaanka.

Duulimaadyada u socda wadamada kale, waxay sidoo kale u horseedi kartaa in wakaaladaha caalamiga ah ay ka qayb qaataan, sida Singapore iyo Canada.