Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska oo Aqoonsatay Ururka Macalimiinta JSL (SOLTA)

0
162

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Ururka Macallimiinta Somaliland ee SOLTA, taas oo ah talaabo weyn oo loo qaaday urur muddo dheer u halgamayay in la aqoonsado si uu ugu adeego macallimiinta ugana qayb qaato hormarinta waxbarashada dalka.

Munaasibad balaadhan oo si weyn loo agaasimay oo lagu xusay maalinta Macalinka Aduunka oo ku beegnayd 5 Oct 2024, taas oo sannad walba laga xuso Somaliland, ayaa Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska, Dr. Axmed Aadan Buxane, xaqiijiyay in Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku ugu danbeyn ay aqoonsatay Ururka Macalimiinta Somaliland ee SOLTA oo si sharci ah ugu mid noqonaya ururada bulshada dalka, matalina doona macalimiinta qaranka.

“Ugu dambayn waxaan ogolaaday in la sameeyo Ururka Macalimiinta Somaliland, maamulkooda iyo nidaamkoodana loo ogolaado. Ilaahay idamkii waxa ay noqon doonaan urur ka mid ah ururada bulshada oo waxbadan soo kordhiya, waxna ka qabta arimaha iyo xuquuqda macalinka, Wasaaradda Waxbarashadana xidhiidh wanaagsan la leh, sidoo kale ku toosiya in la ilaaliyo xuquuqda macalimiinta.” – ayuu yidhi, Dr. Axmed Aden Buuxane, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland.

Aqoonsigan taariikhiga ahi wuxuu xoojin doonaa dadaalada Ururka Macalimiinta Somaliland (SOLTA) ee ku aadan kor u qaadida xirfada iyo aqoonta macalimiinta, midaynta cududa dhaqaale iyo iskaashi ee macalimiinta qaranka, ilaalinta xuquuqda macalimiinta; iyo ka qayb qaadashada horumarinta waxbarashada guud ahaan Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay SOLTA, ayuu ururku ku muujiyay muhiimadda ay leedahay aqoonsigan:

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ku dhawaaqno in Ururka Macallimiinta Somaliland (SOLTA) si rasmi ah loo aqoonsaday, taas oo ay hirgelisay Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland. Tani waa talaabo taariikhi ah oo lafdhabar u noqon doonta midaynta codka & cududda iskaashi ee macalimiinta dalka; tayeynta xirfada macalinimo iyo ilaalinta xuquuqda macalimiinta dalka.”

Waxaa xusid mudan in 25-kii March 2021, sida waafaqsan dastuurka JSL & Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee Xeer Lr 31/2004, ay Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada & Qoyska JSL gudoonsiisay Ururka Macalimiinta Somaliland ee SOLTA shahaadada Urur Shaqaalenimo ee macalimiinta Dugsiyadda Hoose, Dhexe & Sare ee dalka.

Sidoo kale 20-kii December 2021, waxaa Hotelka Maansoor ee magaalada Hargeys ka qabsoomay shirweynihii kowaad ee Ururka Macalimiinta Somaliland ee SOLTA oo lagu doortay hogaanka ururka.

SOLTA waxay sidoo kale u mahadcelisay madaxda dowladda iyo shaqsiyaadkii ka qayb qaatay hirgalinta ansixinta ururkooda:

“Aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqeynaa Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska JSL, Dr. Axmed Aadan Buxane, ansixinta taariikhiga ah ee Ururka Macalimiinta Somaliland (SOLTA).

Sidoo kale waxaan u mahadcelinaynaa Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada & Qoyska JSL; bahda saxaafada iyo dhammaan masuuliyiintii ka qeyb qaatay hirgalinta guushan weyn ee usoo hoyatay macalimiinta Jamhuuriyadda Somaliland.”

Ugu dambeyn, waxa ay hoosta ka xariiqeen sida ay uga go’an tahay horumarinta iyo midaynta macalimiinta dalka; ka qayb qaadashada dedaalada lagu tayeynayo waxbarashada dalka; sidoo kalana ay si dhaw ula shaqeyn doonaan Wasaaradda Waxbarashada & Sayniska JSL iyo daneeyayaasha waxbarashada.