Iskaashiga Shiinaha, Ruushka, Kuuriyada Woqooyi iyo Iraan oo Washington ugu Magacdaray Dhidibka Sharka Cusub

0
70

 

Saraakiisha Maraykanka ayaa si isa soo taraysa uga walaacsan iskaashiga soo ifbaxaya ee ka dhexeeya Shiinaha, Ruushka, Iran iyo Kuuriyada Waqooyi,  kaas oo qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha Washington u arkaan waxay ugu yeedheen dhidibka sharka cusub”.

Walaacaasi wuxuu u sii kordhay Arbacadii iyada oo uu xaqiijiyay Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd Austin ka dib safar uu ku tagay Rome in ciidamada Waqooyiga Kuuriya ay hadda joogaan Ruushka, oo loo maleynayo inay isku diyaarinayaan inay ka qaybgalaan dagaalka Moscow ee Ukraine.

Maalmo ka hor, Ruushku waxa uu ka qayb qaatay dhoolatuska badda ee ay martigelisay Iran. Shiinaha, Waqooyiga Kuuriya iyo Iran ayaa dhammaantood siyaabo kala duwan u taageeray Ruushka intii uu socday dagaalka Ukraine. Iran ayaa siisay gantaalo iyo diyaarado aan duuliye lahayn. Kuuriyada Waqooyi ayaa soo dirtay madaafiic. Shiinuhuna waxa uu ka taageeray laba dhinaca tignoolajiyada iyo wax soo saarka warshadaha, oo ay ku jiraan Mishiino iyo matoorada aan duuliyaha lahayn.

Magaca Axis of Evil ama dhidibka sharka waxa uu soo baxay Sannadkii 2002, Madaxweynihii hore ee Maraykanka George W.Bush ayaa ereyga “ dhidibka sharka” ku sifeeyey dalalka uu ku sheegay in ay taageeraan argagixisada, sida Kuuriyada Waqooyi, Iiraan iyo Ciraaq. Maantana, waxay Washington ku qeexaysaa Shiinaha, Ruushka, Iran iyo Waqooyiga Kuuriya.

“Waxaan aragnay soo bixitaanka Axis of Evil dabayaaqadii 1930-meeyadii, 1938, 1939.” ayuu yidhi xildhibaanka Jamhuuriga ah Rob Wittman, oo ah guddoomiye ku xigeenka Guddiga la socodka hubka ee Aqalka Kongareska intii lagu guda jiray dood ay martigelisay Xarunta Amniga Maraykanka ee Cusub.

“Maanta waxaan aragnaa arrimo sidaas la mid ah”. Ayuu yidhi  Rob Wittman. Xilliyadaa oo ku taariikhaysan 1930-yadii, 1938, 1939 waa xilliyadii dagaal weynihii adduunka, waxaana uu u jeedaa Hitler-kii Jarmalka iyo xulafadiisii.

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ku tilmaamay afartan wadan inay yihiin awoodo doonaya in ay wax beddelaan, waxaana muuqata walaac laga qabo sidii looga hortegi lahaa. Waxa uu ku daray in tartan adag oo lagu qeexayo waayaha cusub ee arrimaha caalamiga ah uu socdo, dalal yarna ay go’aansadeen in ay beddelaan mabaadi’da aasaasiga ah ee nidaamka caalamiga ah.

Wittman wuxuu isticmaalaa ereyga “Axis of Evil” wuxuuna sheegay in wadamadani ay yihiin kuwa awood u leh inay khalkhal galiyaan aduunka marka loo eego Nazi Germany iyo xulafadiisa 1939, gaar ahaan marka la eego sida ay u wada shaqeeyaan oo ay wadaagaan tiknoolajiyada heer kasta.

“Marka, markaad eegto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka dagaal galay Ukraine, waxaad ka helaysaa sumado Shiine ah,” Wittman ayaa u sheegay VOA.

Sidaas oo kale Waxaad arkaysaa hubka lagu soo ridayo Ukraine ee laga soo ridayo gantaalaha Ruushka in lagu farsameeyo Kuuriyada Waqooyi. Waxaad arkaysaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushku ku isticmaalayo goobaha dagaalka ee ay Iran samaynayso.”

Waxa kale oo uu sheegay in iskaashigooda cusubi uu fursad ka helay dagaalka Ukraine iyaga oo helay habab aaanay ku gaadhayn jawi nabdoon oo ay ku horumarinayaan hubkooda iyo tiknoolajiyada.

“Farqiga ugu weyn ee 2024 Axis of Evil iyo kuwii hore saddex ka mid ah afartan waddan ay ku jiraan hab is ballaadhin ah,” ayuu qoray Merrill Matthews , oo ah aqoonyahan deggan oo ka tirsan Machadka Hal-abuurka Siyaasadda Horraantii sanadkan. “Waxay rabaan dhul iyo awood badan. Waxayna isku dubaridinayaan dadaalkooda si ay uga faa’ideystaan ​​hadafka dal walba. Waa horumar aad khatar u ah.”

Matthews ayaa VOA u sheegay in kooxdani ay ka shaqaynayso sidii ay u abuuri lahayd aag dhaqaale oo isku filan – baahida iyo rabitaanka labadaba – taas oo aan ku tiirsanayn dhaqaalaha reer galbeedka si ay u badbaadaan.

Christopher S. Chivvis, oo ah agaasime sare isla markaana ah agaasimaha barnaamijka farsamada gacanta ee Maraykanka ee Carnegie Endowment for Peace International, ayaa VOA u sheegay in Shiinaha uu fure u yahay xoojinta xidhiidhka afarta geesoodka ah.

“Haddii Shiinuhu aanu ka mid ahayn afartan, waxay u ekaan lahayd saddex waddan oo aad uga go’doonsan adduunka oo iskaashanaya. Wax badana lagama walwali lahayn. Laakiin ka qaybgalka Shiinaha ee kooxdan taas oo runtii awood u leh inay ka dhigto mid ku dhib badan Maraykanka,” ayuu yidhi.

Chivvis waxa uu intaa ku daray in afarta waddan ay isticmaali karaan qalalaasaha ka jira gobol si ay u bilaabaan dagaal, isku dubbaridaan tallaabooyinka, ama ay qalalaase ka abuuraan mid kale.

Tusaale ahaan, Chivvis wuxuu soo bandhigay muuqaal aad u daran oo ku saabsan xaaladdan warbixintiisii ​​​​ dhawaa – waxay ahayd Shiinaha inuu isku dayo hawlgal millatari oo ka dhan ah Taiwan, Ruushka ayaa laga yaabaa inuu raadsado inuu ka faa’iidaysto culayska saaran ilaha Maraykanka olole militari oo ka sii daran Ukraine ama xataa iyada oo duulaan lagu soo qaaday dhulka NATO.

Sidoo kale, xiisadda weyn ee Iran ee Bariga Dhexe oo keenta in ciidamo badan oo Maraykan ah oo badda iyo cirka ah ku lug yeeshaan ayaa sidoo kale ku dhiirigelin kara Shiinaha in uu hab dagaal xoog badan ku qaado Taiwan.

Waxa kale oo xulafada reer galbeedku ka werwerayaan dagaalka wakiilashada ah ama Proxy war kaas oo Iran bariga dhexe ka wado, Ruushku wuxuu weerari karaa dhulka NATO ama dalal ku dhow NATO Shiinuhuna Tawian oo uu dhoolatus ugu jiro. Si kastaba ha ahaatee Isbahaysiga afartan wadan waxa uu walaac weyn geliyey reer galbeedka waxaana ay ku soo beegmayaan xilli colaado jiraan oo tallada gacanta ka sii baxayso.