Magaaladii La Halaagay!

0
88

Sida lagu daabacay Mareegta Rsute.ruย  khubaro cilmiga badaha aqoon u leh ayaa sheegay in saddex xagalka Barmuda ay ahayd magaalo halaagsantay mudo 50 kun oo sano laga joogo.

Bogga, uu leyahay “Pauline Zalitskyโ€, oo ah Injineer cilmiga badaha iyo koox sayanisyahano ayaa ayaa helay baaxadda dhulka ay magaaladaasi ku fadhiday kuwaasi oo ahaa guryo dhagxan ka samaysan oo hadda ka muuqda biyaha hoose eeย  Bermuda oo ah Saddex geesoodka Atlantic Ocean.”

Shaybaadhka lagu qaaday robotka badda ayaa muujiyay in dhismayaashan la dhisay 200,000 oo sano ka hor, kuwaasi oo si tartiib tartiib ah ugu halaagsamay xeebta ku dhawaad 50,000 oo sano ka hor,” ayuu yidhi Zalitsky.

Qaar ka mid ah khariidadaha qadiimiga ah ee Boqoradii hore waxaa ku jira jasiirad ku taal badda Atlantiga, taas oo aan ku jirin khariidada casriga ah, waxaana la rumeysan yahay inay yihiin khariidado isku mid ah oo loo yaqaan ‘Columbus Culus’ oo loo isticmaalo in lagu baadho aduunka.