Rag Waaweyn oo Doonaya in ay Dalka Xilal ka Qabtaan oo Leh Haddii Aannu Reer Hebel Nahay..” Madaxweynaha

0
84

“Doorashadda waxaynu ku doonaynaa Somaliland midniamdeeda iyo kor u qaadkeeda, in aynu ku doorano qofka dadka kala garanaya oo wax u qaybiya…”

Qore Khaddar Cabdi Muuse

Salaxley (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in doorashada la filayo in ay dhawaan dalka ka qabsoonto in laga filayo in ay noqoto mid guud ahaanba bulshadda iyo qaranka Somaliland u hor seeda horumar iyo iyo barwaaqo.

Waxaanu xusay madaxweynuhu in siyaasadu ay tahay tallo loo baahan yahay in qofka tartamaya lagu doorto hadba wixii qorshe iyo barnaamij siyaasadeed ee uu la yimaado, balse aanay ahayn in qabiil iyo kala qoqobka dadka in cod lagu waydiisto.

Madaxweynaha somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay xadhig ka jarka Dhaam biyood weyn oo laga hirgeliyay deegaanka Dhimbiriyaale, oo ka tirsan degmadda Salaxley, ee gobolka Maroodijeex.

Muuse Biixi Cabdi, oo ka warbixinayay faa’iidadda dhaam biyoodkaasi iyo baahida ay dadweynaha deegaanka Dhimbiriyaale, u qabeen helitaankiisa, waxa uu yidhi “Waxaa sharaf iyo farxad ii ah in aan isugu nimid xadhig ka jarka Dhaam weyn, oo oo biyo xidheen ah, oo laga hirgeliyay Dhimbiriyaale, aad ayaan ugu faraxsanahay. Muddo dheer ayaan ku soo dhex jiray hawlaha qaranka Somaliland meel walba, ilaa aan madaxweynaha qaranka ka soo gaadhay.

Siyaasadu waa tallo. Taladana inan iyo abtigii ayaa ku kaal duwanaan kara, waana wax inaga dhexeeya. Dalalka doorashadda dimoqraadiga ah gallaa, waa dadyaw kala jaad ah, oo aan isku Af ahayn, oon isku luuqad ahayn, oo aan isku diin ahayn. Sida Itoobiya oo kale, 84 Qoomiyadood oo kala duwan ayaa hadana doorashada wada galla, Kenya waa sidaas oo kale, Jabuuti lafteeda dhawr qoomiyadood oo aan isku dhaqan iyo isku af ahayn ayaa doorashadda galla”.

Waxaanu intaas raaciyay “Somaliland marka la eego, waa in yar oo is wada garanaysa bari iyo galbeed, oo abto iyo adeer iyo saaxiib wada ah, markaa in doorashadoodu nabad ku dhacdo, oo qof waliba qofka uu doonayo u codeeyo, oo walaaltinimo ay noqoto ayaa la idinka doonayaa. Ma doonayno doorasho xanaf leh, oo dadku isku naco, oo la isku hibateeyo.

Qofka doorashadda soo gelayaa cod buu dadka xaq ugu leeyahay, iyo in la doorto iyo in kale. Qofka doorashadda doonayaa inuu dadka ku hibateeyo, dee waa nacas ee marka hore yaanu soo doonanin. Qofka ummadu doorato, ee loo garto, ee la isku raaco, eek ii mucaaradka ahaana ugu haneeyo, dadkoo dhan ayuu dhex u yahay, oo uu masuul ka yahay. Ma aha xisbi ayaa I doortay” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Sidoo kale madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in markii isaga la doortay inuu xukuumadiisa u dejiyay qorshe ah in waxqabadka dalka si siman loogu qaybiyo goboladda dalka, isla markaana deegaan walba la geeyay ama laga hirgeliyay wixii uu u baahnaa, iyadoo lagu saleeyay baahida uu qabo.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Anigu dawladayda waxaan kula dedaalay markii la I doortay, ee xisbiyadda mucaaradka ahina ay arrintii ogolaadeen, waxqabadka si qaran ayaanu ugu qabanay. La odhan maayo waxqabadka tuuladaaas ayaa loo badiyay, mid waliba wixii ay u baahnayd ayaanu u badinay. Deegaan waliab waxa uu u nugul yahay waan garanaynaaye, biyaha cida u nugul waynu garanaynaa. Markaa haddii la yidhi halka biyaha u baahan ha loo dhaweeyo, ma xuma”.

Geesta kale madaxweyne Biixi, ayaa ka hadlay doorashadda dhawaan dalka ka dhacaysa, taasoo uu sheegay in loo baahan yahay in ay dadweynuhu u codeeyaan qofka ay u arkaan inuu qaranka horuamr gaadhsiin karo, hase yeeshee aanay haboonayn in bulshada lagu abaabulo qabyaalad iyo kicin qabiil ku dhisan.

“Doorashada aynu gelayno, waxaan ALLE SWT ka rejaynayaa inuu wax inoo kordhiye mooyee, in aanu wax dhibaato ah inoo keenin. Dhibaatadda timid ee dhalinayradu waa mid dhaqankeena ku jirta. Ceebta inagu soo korodhay ee dhalinyaradan isku abtirsanaya, ee baraha Internetka joogaa, waa wax adduunka oo dhami inala qabo.

Doorashadda waxaynu ku doonaynaa Somaliland midniamdeeda iyo kor u qaadkeeda, in aynu ku doorano qofka, waxaynu doonaynaa nin dadka kala garanayo oo wax u qaybiya, oo dadku u wada ehel yihiin, oo tuulo walba hebelka ku nool garanaya. Haddii aynu nidhaano qabiil ayaynu isku dooranaynaa, oo aynu sii kala orodno, oo caruurteenu sii colawdo, sidee ayaynu noqonaynaa?

Rag waaweyn oo doonaya in ay dalka xil ka qabtaan, oo haddii aanu reer hebel nahay leh, taasi waxay u baahan tahay in wax laga bedelo. Wax kala qaybsamana ma nihin ba, inaga ayuun baa isla badane, lix milyan ayaynu tiro ahaan nahay. Lix milyan marka ummadaha kale iyo dawladaha loo eego waa wax aad u yar oo is wada garanaysa.

Halkaas ayaynu wax ka dawaynaynaa, doorashaduna way inoo dhacaysaa, qof waliba qofka uu jecel yahay ayuu ugu ridi doonaa codka, waxaanan ALLE ka rejaynayaa in ay doorashadani noqoto mid hore inoo marisa” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.