Xusuuta Abaalgudka Muhiimka!

0
59

Phil Knight oo ah ninka leh shirkadda weyn ee Kabaha iyo dharka samaysa ee Nike ee dalka Maraykanka ayaa sanadkii 1971 codsi u gudbiyay dadka iyo shirkadaha farshaxanka ah si ay ugu sameeyaan calaamadda ganacsiga ee shirkadda โ€œLogoโ€.

Shirkadda oo wakhtigaasi uu aad hoos ugu dhacay dakhligeeduย  isla markaana aan haysan lacag caddaan ah ayuu Mr.Phil sheegay in uu siin doono saacaddiiba $ 2, qofka u sameeya shirkadda, isagoo weliba intaasi raaciyay in aanu wakhtigan bixin Karin ee ay dayn ahaan u yeelan doonaan, madaama aanay haysan lacag caddaan ah.

Dhamaan shirkadaha farshaxanku waa ay iska wada diideen lacagta $ 2, madaama ay dayn ahaan noqonayso.

 

Laakiin gabadh lagu magacaabo Carolyn Davidson oo qaybta farshaxanka โ€œGraphic Designโ€ ka ka baran jirtay Jaamacadda Portland state University ayaa la kulantay Mr.Phil oo aad u werweraya waxaana ay u sheegtay in ay iyadu ku samayn doonto $ 2 saacadiiba.

Gabadhaasi ayaa ay ku qaadatay samaaynta Logo-da shirkaddu muddo 17 saacadood ah.

 

Markii ay dhamaysay samaynta calaamadda logada shirkadda, waxa uu u qoray jeeg lacag dhan $ 34, ahi ay ku qorantay ย oo weliba dayn ah. isagoo u sheegay in aanay wakhtigan Baanka lacagi ugu jirin, laakiin ay ka qaadan doonto marka ay lacag ku shubaan Accountka ay leeyihiin.

Calaamadda ay gabadhaasi ay shirkadda u samaysay waa kuwa maanta ugu caansan ee ugu quruxda badan dunida.

Sanadkii 1983 oo shirkada Nike dakhligeedu uu meel aad u sareeya gaadhay, ย Mr.Phil ayaa gabadhii Logada u samaysay u yeedhay waxaana uu guddoon siiyay Logada โ€œcalaamaddaโ€ shirkadda oo dahab laga sameeyay, isla markaana waxa uu shirkadda ugu daray hal saami (share ) oo uu siiyay oo abaal marin uga dhigay iyadoo gabadhan wakhtigaasi dhaqaalaheedu uu aad xumaaday. Shirkadda ayaa sanadkii 2015 heshay faaโ€™iido dhan 273 billionย (2015). Taasi oo gabadhaasina ay ku leedahay saami faaโ€™idadaasi. Wanaagga aad samayso abaalkiisa waad helaysaa.

 

ย