Diyaaradaha B-52 oo Maraykanku u diray Bariga Dhexe, militariga Maraykanka ayaa sheegay

0
61

Diyaaradaha Maraykanka ee B-52 ayaa gaadhay Bariga Dhexe, sida uu sheegay militariga Maraykanka Sabtidii, maalin uun ka dib markii Washington ay ku dhawaaqday inay Iran u dirayso digniin.

Diyaaradan Bambaanooyinka ee B-52 oo ka timid Saldhigga Minot Air Force Base’s Bomb Wing ee 5-aad ayaa timid aagga Mas’uuliyadda ee Taliska Dhexe ee Maraykanka,” sida uu sheegay Taliska Milliteriga ee Bariga Dhexe iyo dalalka ku xeeran.

Maraykanka ayaa ku dhawaaqay fiidnimadii jimcaha inuu u dirayo diyaaradaha wax duqeeya, kuwa dagaalka iyo diyaaradaha shidaalka qaada iyo kuwa difaaca gantaalada balaastikada ah oo loo diro Bariga Dhexe.

“Haddii Iran iyo la-hawlgalayaasheeda, ama wakiiladeeda ay xilligan ay adeegsadaan beegsiga shaqaalaha Maraykanka ama danaha gobolka, Maraykanka wuxuu qaadi doonaa tallaabo kasta oo lagama maarmaanka u ah si loo difaacsyo dadkeeda,” afhayeenka Pentagon-ka, Major General Pat Ryder ayaa ku yidhi hadal uu soo saaray. .

Israa’iil ayaa weerar ku qaaday Iran 26-kii Oktoobar, iyada oo garaacday kaabayaasha militariga iyada oo ka fogeynaysa goobaha muhiimka ah ee Nukliyeerka iyo saliidda, hogaamiyaha ugu sarreeya ee dalkaas ayaa wacad ku maray in Tehran ay ka aargoosan doonto weerarrada Israa’iil.

Iran ayaa qaaday laba weerar oo waaweyn oo ka dhan ah Israa’iil sannadkii 2024-kii, mid ka mid ah bishii April ka dib markii ay weerar ku qaadday qunsuliyadda ay ku leedahay Dimishiq oo ay Israa’iil ku eedaysay, iyo mid kale oo bishii Oktoobar Tehraan ay sheegtay in uu jawaab u ahaa dilka hoggaamiyeyaasha kooxaha hubaysan ee ay taageerto. Bariga Dhexe.