Koomishanka Doorashooyinka oo Tababar u Furay Hawlwadeeno ka Shaqayn doona Goobaha Cod-bixinta doorashooyinka

0
82

Qore Khadar M .Xaashi

Burco (Dawan) Gudoomiye ku xigeenka Komiishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland, Mudane Axmed Cismaan Xasan iyo Komishineer Siciid Maxamed Cismaan, ayaa kulan la qaatay guddida amniga gobolka Togdheer.

Guddoomiye ku xigeenka doorashooyinka ayaa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer kula shiray guddida amniga gobolkaasi, guddoomiyaha Taliyayaasha Ciidamada kala duwan, waxay labada dhinac kulanka kaga wada hadleen hawlaha amniga doorashada.

Masuuliyiinta guddida doorashada ayaa faray qaybihii kala duwana ee ay la kulmeen inay xil iska saaraan sidii doorashadu nabadgelyo ugu dhici lahayd, isla markaana ay fiiro-gaara ugu yeelan lahaayeen cidkasta oo isku dayda inay khalkhaliso geedi socodka doorashooyinak isku sidkenkan ee la filayo inay dalka ka dhacaan 13-ka November.

Sidoo kale Komishanka Doorashooyinka Qaranak JSL ayaa tababar u furay hawlwadeenada ka shaqayn doona goobaha cod-bixinta ee doorashada Madaxtooyada iyo xisbiyada Qaranka, ee gobollada Maroodi-jeex, Awdal, Saaxil, Togdheer iyo Sanaag.

Tababarkan waxa ayaa socon doonaa muddo seddex maalmood ah, waxaana lagu baran doonaa Xeerarka Doorashada iyo habka maamulka Goobaha Codbixinta.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Mudane Muuse Xasan Yuusuf, oo ka hadlay tababarada ay u fureen hawl-waddeenada ka shaqayn doona goobaha cod-bixinta ee doorashada Madaxtooyada iyo xisbiyada Qaranka, ee gobollada Maroodi-jeex, Awdal, Saaxil, Togdheer iyo Sanaag, ayaa sheegay in doorashadu ay ka fiicnaato ama ka xumaato goobta doorashada.

Waxaanu yidhi.“Doorashadu waxay ka wanaagsanaata ama ka xumaata goobta, goobtana waxa ka shaqaynaya sida xeerku dhigayo guddoomiyaha, guddoomiye ku xigeenka iyo xoghayaha inta kale waa caawiyayaal haddii ay ciidan tahay iyo haday tahay saf hagaba, saddexdaasina waxa aanu awood dheerada u saarnay in aanu idin fahansiino shaqadiina iyo masuuliyada idin saaran, meelkasta oo aad tagtaan qofku waxa uu ku shaqaynaya aaminadiisa, gobolkii uu ka yimid iyo jaamacadiisi”