Urur Siyaasadeedka Kaah oo Ololihiisa Maalintii ugu Dambaysay Wacdaro ku soo Gabagabeeyay Gobollada Dalka

0
97

\Qore Khadar M .Xaashi

Borama (Dawan) Urur siyaasadeedka Kaah ayaa shalay ololihii doorashada ku soo afmeeray gobollada Saaxil, Maroodi-jeex iyo Awdal, iyada oo ay taageerayaasha ay kala qayb galeen dabaaldegyadoodii masuuliyiinta ururkaasi.

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Kaah Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa magaalada Boorama kagala qayb galay taageerayaasha ururkiisa waxaa uu ku booriyay in ay codkooda ku baddalaan xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye iyo xukuumaddiisa.

Guddoomiye Maxamuud waxa uu sheegay in xisbiga Kulmiye uu ka baxay guud ahaan balanqaadyadii uu bulshada u sameeyay, waxa uu xusay in aan madaxweyneyaasha lagu majeeraan Libaax la fuulo iyo gaadiid dhiidhi laga saaro midna.

Sidoo kale waxa uu intaas ku daray in Kaah aanay xisbiga Kulmiye kaga dayan doonin toddoba qodob oo aan faa’iido dalka iyo dadka u lahayn.

Geesta kale waxa uu bulshada gobolka Awdal ku ammaaney sida ay u muujiyeen cududooda taageero ee ay la garab taagan yihiin urur siyaasadeedka Kaah, waxaanu tilmaamay in Borama Qarannimada JSL, ay abaal weyn ku leedahay.

Waxaanu yidhi.“Isbedelada ka curta gobolka Awdal mahagaasaan, mana hoodo daraadaan, Somalilandna halkan ayaa yagleelay reer Borama Qarannimada abaal weyn ayay ku leeyihiin oo iyaga ayaa seeska u dhigey.

Sagaal cisho ayaa ka hadhay in waddanka isbedel ka dhaco, qof walba waxa la gudboon in uu kaadhkiisa codbixinta gacanta ku haysto, isbedelka aynu rabna gacantiina ayuu ku jira ee kuma jiro gacma shisheeye, kuma jiro gacmaha Kulmiye, codkiina ku ciil baxa wuu ka xannuun badan yahay hubka, godob iyo geshina maleh, inaad ka codeysaan xor ayaad u tihiin”

Guddoomiye Maxamuud Xaashi waxa uu sheegay in xisbiga Kulmiye ka baxay balanqaadyadii u dadka usameeyay, waxaanu bulshada uga digey inay markale doortaan.

Waxaanu yidhi.“Xisbiga Kulmiye wixii balanqaad bulshada u sameeyay wuu ka baxay, Kulmiye ma waxa uu innaga dhaadhicinaya in Libaax guudka laga fuula ay guul tahay, ma caqligeena ayuu ku ciyaaraya, ma guclo orod ayuu guul inooga dhigayaa, ma gaadhi dhiidhi laga saaro ayuu guul innooga dhigeyaa, ma sawiraddaasi ayaynu ka iibsana Kulmiye, madaxweyneyaasha laguma majeerto waxyaabahaasi.

Waxa lagu majeerta mushkiladaha soo mara sida ay umaareeyaan iyo mudnaanta ay siiyaan adeegyada aasaasiga ah”

Guddoomiyaha ururka Kaah waxa uu sheegay in aanay xisbiga Kulmiye kaga dayan doonin 7 qodob oo uu mid mid isu dul taagay.

Waxaanu yidhi.“Kulmiye 7 hal midna kaga dayan mayno, tanaasul la’aan kaga dayanmeyno, tudhaale la’aan kaga dayan mayno, tallo la’aana kaga dayan mayno, tallo wadaag la’aana kaga dayan mayno, tixgelin la’aan kaga dayan mayno, tabis la’aana kaga dayan mayno, tamar la’aan kaga dayan mayno.

Kulmiye marka uu codka doonayo ayuu dadka tabaa, marka uu baahan yahay ayuu dadka barya marka uu badhaadhaha tagana.

Urur siyaasadeedka Kaah halku dhigiisu waa sinaan iyo Somaliland la wadaago, Somaliland la wadaago ayaynu dooneynaa, JSL ma noqon karto gobol, ama laba, saddex, ma noqon karto qoys kaliya, Somaliland waa in la wadaago, haddii aan sinaan iyo cadaalad loo wadaagin Somaliland way dhammaaneysa, maantana dhaawac weyn ayaa gaadhay waxa u hadhay qudhgooyo taasi uunbaynu kala baxsaneyna”