Caalamka Waxa Xukuma Xooga Iyo Dhaqaalaha!

0
66

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UN Security Council) waxaa la asaasay sanadkii 1945, waxaana loo sameeyay sida ay sheegeen inuu ilaaliyoย  nabadda caalamka, xalinta khilaafka iyo dagaaladaa, si aanay usii fidin, xuquuqda insaanka iwm.

Golahani waxa uu ka kooban yahay 15 dal oo caalamka ah, laakiin 5 dal oo ka mid ah ayaa joogto ah oo aan la bedelin halka 10-ka dal kale ay yihin xubno laga soo doorto qaaradaha caalamka, iyadooย  labadii sanadoodba mar la bedelo.

Xubnaha joogtada ah oo kalaย  Maraykanka, Ruushka, Ingriiska, Faransiiska iyo Shiinaha, waxa ay leeyihiin awood dheeraad oo ayย  ku horjoogsan karaa dhamaan hawasha uu isku raaceen xubnaha kale ee golaha Amaanka.

Awoodan oo loo yaqaano Veto popwer waa mid lagu dulmiyo dhamaan dalalka caalamka ee markaa arintiiisa laga hadlayo.

Tusaale ahaan magaaladada Qasa ee Falatiin markii Golaha Amaanku soo jeediyay in xabad joojin laga hirgeliyo waxa ka hor yimi Marayaknak oo diiday isla in la hirgeliyo isagoo isticmaalay Veto power.ย  Waxaana golaha amaanku uu hadda soo shaac baxay wejigiisa dhabta ah ee ah in dalalka samaystay ee Maraykanku u horeeyo ay wixii ay raali ka yihiin keliya uu fuliyo.

Sababtuna waa iyadoo ay noqdeen dalalka hogaamiyaha dhinaca awooda ciidan iyo midda dhaqaale ee caalamka. Sidaas awgeed ma jirto caalamka cadaalad iyo xuquuqo la isa siiyo, kolba waa sida aad adigu awood ciidan u leedahay habka lagu qadarinaya.

ย