Madaxwaynaha Somaliland oo Bulshada ka Codsaday inay Codka Siiyaan KULMIYE Si Loo Rumeeyo Himilooyinka Qaranka

0
100

 

Hargaysa (Dawan) Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo xalay bulshada la hadlay, ayaa si qoto dheer uga xog warramay xaaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray iyo sida xisbiga KULMIYE uga midho dhaliyay guulaha waaweyn ee maanta qaranku ku naaloonayo.

Madaxweynaha Somaliland sidoo kale waxa uu xusay in ay jireen dhibaatooyin iyo caqabado badan oo xukuumadihii Xisbiga KULMIYE ay ka soo dabaasheen, dhibaatooyinkaasi oo ay barbar socdeen hagardaamada iyo shirqoolada sida is daba jooga ah ay cadawga Somaliland u soo maleegayeen qaranka, balse laga soo gudbay.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in halgankii dheeraa ee dalka lagu xoreeyay kadib muddo 34 sanno ah ay Somaliland maanta joogto in ay tahay Qaran jira oo inta badan adduunku la shaqeeyo, lana macaamilo. Sidoo kalena ay Somaliland dhisatay Dawlad Dimuqraadi ah oo qabatay shan Doorasho oo qof iyo cod ah oo ah wax ku yar mandaqada.

Madaxweynaha oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Halgan Dheer ka dib maanta, muddo 34 sannadood ah kadib waxaynu joognaa in aynu nahay qaran jira oo inta badan adduunku la shaqeeyo. Waxaynu dhisanay dawlad dimuqraadi ah oo qabatay shan doorasho oo qof iyo hal cod ah, taas oo ku yar mandaqada geeska Afrika.”

Sidoo kale Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu tilmaamay in qaranku ku tallaabsaday guulo waaweyn oo wax ku ool ah iyo waxqabad kala duwan oo la taaban karo, marka la eego dhinacyada waxbarashada, Dhaqaalaha, Amniga, Doorashooyinka iyo Caafimaadka.

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sidoo kale sheegay in cadawga ugu weyn ee ay Somaliland leedahay uu yahay dawladda Muqdisho, waxaanu yidhi “Dhammaan waddamada adduunka ka jira oo dhan dawladda ugu cadaawada badan u haysa Somaliland waa dawladda Xamar.”

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dawlada taagta daran ee Soomaaliya ay dafirsan tahay in aynu ahayn laba dawladood oo iskood isku biiray, isla markaasina aanay ogolayn doorashooyinka iyo Dimuqraaddiyadda ka hanaqaaday Somaliland. Iyada oo mar walba ku hawlan sidii aanay doorasho uga dhici lahayn dalka Somaliland, arrintaas oo uu ku tilmaamay in lagaga bixi karo in loo midoobo oo dhexda loo xidho sidii ay doorashadu u dhici lahayd, sidoo kalena codka bulshada oo tartanka ka mid ah uu noqdo mid dalka horumariya oo aanu noqon mid dibin daabyo dalka u keena.

Geesta kale Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu bulshada hogo-tusaaleeyay isla markaana is-bar bardhig ugu sameeyay xisbiyada tartamaya ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID, isaga oo sheegay in xisbul xaakimku uu yahay xisbi gaadiiday. Isla markaana dhammaan madaxda xisbiga KULMIYE, hoggaankiisa iyo golihiisa dhexeba ay yihiin dad dalka xog-ogaal u ah, kuwaasi oo garanaya halkii laga soo bilaabay ilaa lixdankii iyo sidoo kale dib-u-dhiskii dalka.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa kale oo uu tilmaamay in Hoggaanka iyo Madaxda xisbiga KULMIYE ay foolaad ka ahaayeen dagaalkii iyo halgankii dheeraa ee dib u xoraynti dalka, sidoo kalena ay yihiin kuwo og kaalin weyna ka soo qaatay dib u dhiskii dalkan oo ku burburay halgankii xoraynta, isla markaana ay kaalintooda ka soo qaateen.

Madaxwaynaha Somalland waxauu bulshada u bayaamiyay in xisbiga Kulmiye uu hayo jidkii guusha ee lagu keeni lahaa Ictiraafka oo aanay waddadiisa haynin xisbiyada la tartamayaa, waxaanu tilmaamay in murrashaxiinta dhigiisu aanay maamul dawladeed soo qaban oo aanay waayo arag ahayn inta ay maamulka la qabsanaynaanna ay wakhti qaadanayso taasi beddelkeedana aanay shirabnayn.

Madaxwayne Muuse Biixi waxa kaloo uu si faahfaahsan uga warramay xisbiga KULMIYE iyo doonista aqoonsi calami ah oo dalkani ka helo Qarammada midoobay, waxaanu sheegay in xisbigiisu uu soo dhaweeyay helida aqoosiga isaga oo madaxwaynuhu tusaalayaal u soo qaatay xidhiidhkii dalka Gini Conakari, heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland iyo kuwo kale oo ahaa heshiisyo iyo xidhiidho aad dunida caalamka u qabsaday, sababayna in Somaliland sumcadeedu noqoto mid aad u sarraysa oo indhaha caalamka soo jiidatay.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisan uu u jeediyay bulshada kaga dalbayday inay codkooda ugu hiiliyaaan xisbiga KULMIYE si uu uga midho dhaliyo himilooyinka dhow ee horyaalla dalka, waxaanu sidoo kale la wadaagay ballan qaadyo cusub oo ay heli doonaa bulshadu haddii ay siiyaan codkooda.