Gudida Ilaalinta Anshaxa iyo Hab-dhaqanka Saxaafada oo Digniin u Diray Warbaahinta Dalka

0
106

Hargeysa (Dawan)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland ayaa shalay kulan kula qaataya xaruntooda Guddida Ilaalinta Anshaxa iyo  Hab-dhaqanka Saxaafada. Dhanka kale guddidu oo shirjaa’id ku qabtay xarunta Komiishanka ayaa saxaafada ugu baaqay in ay ilaaliyaan xeerka anshaxa saxaafada.

Guddida Ilaalinta Anshaxa iyo  Hab-dhaqanka Saxaafada ee arrimaha doorashooyinjka ayaa Saxaafadda Somaliland uga  baahinta warar aan jirin ama aan ka soo bixin gudida doorashooyinka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo la xidhiidha arrimaha doorashooyinka Dalka.

Xasan Maxamed Jaamac (Xasan Xiis) oo ka mid ah xubnaha gudida Ilaalinta Anshaxa iyo  Hab-dhaqanka Saxaafada ee doorashooyinka oo ka oo ka hadlay shirka jaraa’id ee ay qabatay guddidaasi ayaa arrimahaasi ka hadlay, waxaanu yidhi “Anaga oo ah Guddida dhawaan loo magacaabay Daba-galka, Ilaalinta iyo Kor-joogaynta Anshaxa iyo  Hab-dhaqanka Saxaafada ee xilliga doorashooyinka Somaliland, waxaanu maanta jeclaysanay in aanu farriin kooban u gudbino saxaafadda Somaliland. Sababta oo cidda ubucda u ah ee wararka laga qaadanayaa waa warbaahinta Somaliland.”

Xasan Maxamed Jaamac (Xasan Xiis) waxa kale oo uu intaasi ku daray “Sidaa darteed, waxaanu jeclaysanay in aanu saxaafadda la wadaagno in ay ilaaliyaan  xeerka anshaxa saxaafadda ee xiliga doorashooyinka, xeerkaasi oo ay saxeexeen ururadoodu ama ay gaar ahaan ba u saxeexeen, kaas oo dhigaya in doorashooyinka laga ilaaliyo hantaaqooyinka ku iman kara oo ay ku keeni karto saxaafadda aan masuuliyadda sugan ka qaadan qarnkooda iyo arrimaha doorashooyinka.”

Guddida Anshaxa saxaafadda Somaliland waxa ay warbaahinta ugu baaqday in ay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha doorashooyinka, Xasan Maxamed Jaamac (Xasan Xiis) oo arrimahasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan warbaahinta ku boorinayaa ina y dhexdhexaad ahaadaan oo aanay dhinacna garabka saarin, qofku cidda uu doono ayuu u codaynayaa, laakiin in uu diyaariyo war cid u xaglinaya, taas ayaa khalad ah, markaa warbaahintu waa inay dhex u noqdaan murashaxiinta iyo doorashooyinka ba.”

Xasan Maxamed Jaamac (Xasan Xiis) waxa kale oo uu ugu baaqay saxaafadda Somaliland in ay si weyn u hubiyaan sugnaanta warka, isla markaana wararka arrimaha doorashada kaliya laga qaato Komiishanka doorashooyinka, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waa in ay saxaafaddeenu ilaaliyaan sugnaanta warkiisa, waa in uu hubiyaa wararka, haddii uu markiiba iska qaato war lagu baahiyay social mediyaha oo aanu iska hubin, waxaa laga yaabaa in warkaasi isaga oo khalad ah meelo badan ka dhaco oo mushkilado keeno.”