Warbaahinta Caalamiga ah iyo War-bixinaha ay ka Qoreen Doorashadda Somaliland

0
119

 

Hargeysa (Dawan)- Warbaahinta kala duwan ee caalamka kuwooda ugu waaweyn ayaa si weyn uga hadlay Doorashooyinjka isku sidkan ee Somaliland (Madaxtooyada iyo ururada siyaasada), iyaga oo warbixino iyo faalooyin kala duwan ka qoray hannaanka doorashada Somaliland, nabadgelyada ay ku naaloonayso iyo horumarka la taaban karo ee ka hirgelay.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa intooda badani waxa ay tilmaameen in doorashadani ay noqon doonto furaha aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ay noqon doonto mid muhiimad weyn u leh Somaliland, wax weyna ka bedeli doonta indhaha caalamka ee qaddiyaddeeda.

Warbaahinta The South African Broadcasting Corporation (The SABC) ayaa ka mid ah kuwa warbixinaha ka diyaariyay doorashooyinka Somaliland, qoraalka SABC oo dhammaystiranina waxa uu u qornaa sidan:- Cod-bixiyayaasha Somaliland ayaa Arbacadii u dareeraya goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweyne, xilli Somaliland oo ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii ay u aragto in ay aqoonsi caalami ah ku heli karto ka dib soddon sano oo is-maamul rasmiya ah.

Somaliland oo ku taal meel istiraatijiyad ah oo ku dhow marinka laga galo badda cas, ayaa 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day dawladda Muqdisho, balse dal kale ma aqoonsan, taas oo xaddiday dhaqaalaha caalamiga.

Xukuumadda Somaliland ayaa rajaynaysa inay dhawaan soo gebagebayso heshiis horudhac ah oo ay bishii January la saxeexatay Itoobiya oo aan bad lahayn, kaas oo la siinayo dhul xeebeedka Addis Ababa si ay u hesho aqoonsi diblomaasiyadeed. Somaliland ayaa sidoo kale rajo ka qabta in madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump uu u xaglin doono arrinteeda.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo talada dalka haya tan iyo sannadkii 2017-kii, waxa uu mar kale u taagan yahay inuu la tartamo murrashaxiinta xisbiyada mucaaradka ah ee Waddani iyo Ucid.

Mohamed A. Mohamoud oo ah wakiilka Somaliland u jooga dalka Kenya oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in dowlada ay dhameystiri doonto heshiiska doorashada ka dib, iyadoo aan loo eegin cida ku guuleysata.

Somaliland waxa ay sidoo kale rajo ka qabtaa in maamulka Trump ee iman doona uu dib u eegi doono aqoonsiga dheer ee Washington ay u siisay madax banaanida Muqdisho ee Somaliland.

Madax badan oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka oo ka soo shaqeeyay siyaasadda Afrika ayaa markii ugu horreysay ee Trump si cad u sheegay inay taageersan yihiin aqoonsiga Somaliland.

Somaliland waxay inta badan ku naaloonaysay nabad tan iyo markii ay heshay madaxbannaanideeda 1991-kii, halka ay Soomaaliya gashay dagaal sokeeye oo aanay weli ka soo bixin.

“Somaliland waa dal dimuqraadi ah oo nabdoon oo ku yaalla Geeska Afrika” Global Bar Magazine

Warbaahinta Global Bar Magazine oo laga leeyahay dalka Sweden ayaa Warbixin dheer ka qortay doorashooyinkii isku sidkanaa ee ka qabsoomay Somaliland 13-kii November 2024, waxaanay Somaliland ku tilmaantay dal dimuqraadi ah oo nabdoon.

Warbaahinta Global Bar Magazine oo aanu soo turjunayna waxa ay u qornayd sidan “November 13, Somaliland oo ah dal dimuqraadi ah oo nabdoon oo ku yaala Geeska Afrika, haddana aan aqoonsi ka helin qaran kale ayaa qabsaday doorashada madaxtinimo.

Natiijada Somaliland Doorashada Somaliland ee 13 November 2024 waxay noqon doontaa mid aad muhiim u ah, laba sababood oo waaweyn awgeed.

Ugu horrayn, waxay natiijada hoggaanka ka soo baxda doorashadani ay saamayn wayn ku yeelan doontaa aqoonsiga dimuqraadiyadda Somaliland.

Midda labaad, waxay saamayn ku yeelan doontaa dedaalka Somaliland ugu jirto in loo aqoonsado dal madaxbannaan.

Soddon iyo saddex sano ka hor, Somaliland waxay ku dhawaaqday inay ka go’day, isla markaana ay ka baxdasy midnimadii Soomaaliya. Waa dawlad madax-banaan xaqiiq ahaan laakiin aan sharci ahaan la aqoonsan.

Go’aanka ay Somaliland ku doonayso in ay ictiraaf ku hesho waxa ay si cad u muuqatay bishii January 2024 markii ay heshiis la saxeexatay dalka ay jaarka yihiin ee Itoobiya. Sida uu dhigayo heshiiskan, Somaliland waxay Itoobiya ka kirayn doontaa 20km oo badda Cas ah, lagana yaabo inay u dhowdahay dekedda Berbera (in kasta oo saddex goobood la aqoonsaday), Addis Ababa waxay aqoonsan doontaa qarannimada Somaliland.

Somaliland waxa maamula xisbiga talada haya ee Kulmiye, oo uu hogaamiyo Muuse Biixi Cabdi , madaxweynaha Somaliland tan iyo 2017. Xisbiga ayaa talada haya tan iyo 2010. Xisbiga ugu weyn ee mucaaradka ah waa xisbiga WADDANI oo uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Marka loo eego muddo toban sanno ah qoraagu cilmi-baadhis iyo hawlo shaqo ka waday Somaliland. Aragtideeda doorashadani waxay miisaan ku leedahay caafimaadka dimuqraadiyadda Somaliland, iyo sidoo kale rajada ay ka leedahay nabadda iyo xasilloonida.

Dimuqraadiyada Somaliland, sida dhammaan dimuqraadiyada, waxay ku tiirsan tahay in siyaasiyiinta iyo xisbiyada la siiyo fursad ay ku guulaystaan doorashada. Cidda ku soo socota maamulida Somaliland waa cod-bixiyayaashu, waxayna wajahayaan doorasho cad oo dhexmarta KULMIYE, UCID iyo WADDANI.

Doorashada madaxtooyada Somaliland ee 2024-ka waxay tijaabo u noqon doontaa hay’addeeda dimuqraadiyadeed iyo xilli xasaasi ah oo ay ku jirto madaxbannaanideeda.

“Somaliland waxa ay adkaysatay dawladeedda, lacagteeda iyo haykalkeeda amni” DWNEWS

Warbaahinta AMP.DW, ayaa sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay adkaysanayso Dawladnimadeeda, lacagteeda gaarka ah iyo haylkalkeeda amni ee ka hanoqaaday Somaliland. Warbixintan ayay warbaahinta AMP ku falayqaysay doorashooyinka Somaliland ka dhacay todobaadkan iyo horumarka kala duwan ee ka daabo-galay Somaliland.

Warbixintaasina waxay u dhignayd sidan” Somaliland waxa ay adkaysatay dawladeedda, lacagteeda iyo haykalkeeda amni, inkasta oo ay ka maqan tahay aqoonsi caalami ah.

Somaliland ayaa Arbacadii todobaadkan u dareertay doorashooyinka isku sidkan ee madaxtooyada iyo ururada Siyaasadda Somaliland. Waa maxay xaaladaha suurtagalka ah iyo ilaalinta dheellitirka jilicsan ee danaha Geeska Afrika?

Doorashada Somaliland waxay sii wanaajin doontaa aqoonsiga dimuqraadiyadeed ee Somaliland, waxayna wanaajin doontaa sumcadda Somaliland ee fagaarayaasha caalamka.

Doorashooyinka Somaliland waxay u dhaceen sidii loogu talagalay

Bishii Janaayo, hogaamiyaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa heshiis is-afgarad ah (MoU) la saxiixday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Dekadda Berbera ee Somaliland waxa ay siinaysaa Itoobiya marin laga galo badda Cas oo aad ugu dhaw marinka Suweys.

Heshiisku waxa uu dhigayaa in Itoobiya ay Somaliland ka kiraysan doonto dhul ay ka dhisato saldhig ciidan, halka Itoobiya ay aqoonsan doonto qaddiyada Somaliland, isla markaana ay u isticmaali doonto dekedda Berbera ee Somaliland ganacsi caalami ah.“

“Somaliland waxay go’aan ka gaadhay: doorashadii ugu saraysay abdid” Hornobserve

“Somaliland waxay go’aan ka gaadhay: doorashadii ugu saraysay abdid” sidaa waxa qortay warbaahinta hornobserve, waxaanay intaasi raacisay “Doorashadan Somaliland ayaa saamayn weyn ku yeelanaysa dalka iyo mandaqada ba. Codbixinta oo dhacday maalintii Arbacada ayaa daba socotay olole xooggan oo socday saddex toddobaad, kaas oo ay xisbiyada iyo ururada siyaasadduba ku soo bandhigeen barnaamijyadoodsa.

In ka badan 1.M oo codbixiyeyaal ah ayaa la filayaa inay ka qaybgalaan doorashadan Somaliland oo ku qabsoontay si nabadgelyo ah.”