“Cashuurtu Waa Qodob Dastuuriya Qof Kastana waa ku Waajib Cid Diidi Karaysaana Ma Jiro..”

0
111

Qore Khaddar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Maayar ku-xigeenka caasimadda Hargaysa Khaddar Axmed Cumar, ayaa dawladda hoose ee Hargaysa ka difaacay eedo maalmahanba uga imanayay bulsho weynta ku nool caasimadda Hargaysa.

Kuwaasoo ka cabanayay in degmooyinka ka tirsan caasimadda Hargaysa aanay waxqabad muuqda ka fulin dawladda hoose ee Hargaysa, isla markaana ay dawladda hoose degmooyin gaar ah ka fulisay waxqabad badan.

Dhaliilaha loo jeedinayay dawladda hoose ee Hargaysa ayaa si gaar ah ugu waajahnaa maayarka caasimadda C/kariin Axmed Mooge, iyadoona ay dadweynuhu si xoog ah u soo bandhigayeen in maayarku uu u kala eexday degmooyinka caasimadda.

Hase yeeshee maayar ku-xigeenka Hargaysa Khadar Axmed Cumar, oo warbaahinta la hadlay ayaa golaha deegaanka Hargaysa, iyo maayarkaba ka difaacay eedahan ay shacabku u jeedinayeen, waxaanu sheegay in ay ka go’an tahay in ay si isku mid ah wax ugu qabtaan degmooyin caasimadda.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaanu dareemaynaa in doorashadii ka dib uu caasimadda Hargaysa ka kacay kacdoon dadweyne oo abaabulan. Xilka Hargaysa waxaanu joognay muddo saddex sanadood ah, saddexdaa sanadoodna wax badan ayaanu ka qabanay caasimadda. Reer Hargaysa iyo bulshadda Somaliland ba markhaati ayaanad ka tihiin waxa inoo qabsoomay. Qabyaaladda iyo waxqabadkuna meel ma wada galaan, ee yaan dib la inoo celinin”.

Waxaanu intaas ku daray “Dadweynaha reer Hargaysa waxaanu u sheegaynaa in ay dhamaatay wakhtigii siyaasadu. Golaha deegaanka ee Hargaysa wax khilaaf ah oo dhex yaalaa ma jiraan. Reer Hargaysa in si isku mid ah loogu shaqeeyo ayaa waajib ah oo ay masuuliyadayaduna naga saaran tahay. Masuuliyadaha dawladda hoose ee Hargaysa waa masuuliyado la wada leeyahay, maayarka caasimadu keligii masuuliyad gaara ma leh, anigoo maayar ku-xigeenkii ah masuuliyada waan la leeyahay, golaha deegaankuna masuuliyadda wuu wada leeyahay.

Sanadkan u danbeeyay ee aynu ku sii jirno dabayaaqadiisii sanad doorasho ayuu ahaa, waxqabadkii looga bartay dawladda hoose wax badani umay qabsoomin. Sababtuna waxa weeyi doorashadaa aynu sanadkan oo dhan ku mashquulsanayn. Sidaa darteed, dadweynaha reer Hargaysa waxyaabaha muhiimka ah ee ay tahay in ay ogsoonaadaan waxaa ka mid ah, in aan lagu dheel dheelin cashuurta” ayuu yidhi maayar ku-xigeenka Hargaysa.

Geesta kale maayar ku-xigeenka Hargaysa waxa uu sheegay in cashuurtu ay tahay waajib dastuuri ah, isla markaana aanu qofna diidi karin, balse ay dawlad hoose ahaan ogol yihiin in loo si haboon loogu sheego wixii tabasho ah ee shacabku qabaan.

Waxaanu yidhi “Cashuurtu waa qodob dastuuri ah, qof kasta oo lagu leeyahay cashuurta waxaa ku waajib ah inuu bixiyo cashuurta.Qof diidi karaa ma jiro, qof ku dheel dheeli karaa ma jiro, oo warbaahinta ka odhan karaa cashuur yaan la bixinin, qofkaasi waa qof samaynaya dastuur jebin. Tabasho way iman kartaa, oo bulshadu wax way taban kartaa. Degmooyinka si isku mid ah ayaanu waxqabadka u gaadhsiinaynaa, waxaananu diyaar u nahay isla xisaabtan, in ay bulshadu nala xisaabtanto.

Waxqabadku wuu socdaa, waanan og nahay in ay qabyo fara badani jirto. Qabaydaasina waxaanu diyaar u nahay in aanu ka shaqayno, oo waddooyinka la dhiso, oo la hagaajiyo. Balse in dadka la isku soofeeyo, oo bulshadda magaaladda Hargaysa madaxa la isku geliyo wxaa ka imanaysa masuuliyad darro. Waxaanan ku baaqayaa in aan dadka madaxa la isku gelinin, qabyaaladana aynu ka korno”.

Khaddar Axmed Cumar, ayaa sidoo kale waxa uu fariin u diray bulshada reer Hargaysa, isagoona ugu baaqay in ay ka feejignaadaan dadka qaswadeyaasha ah ee doonaya in ay bulshadda caasimadda madaxa isku geliyaan.

“Waxaan la hadlayaa dadkayga reer Hargaysa, waxaanan u mahad celinayaa qof kasta oo reer Hargaysa ah oo dareensan in wax loo qabtay. Waxaanan leeyahay dadka qaswadeyaasha ah ee doonaya Hargaysa in ay madaxa isku geliyaan, ee odhanaya xaafadaana waxba looma qaban, waxaan leeyahay Hargaysa si isku mid ah ayaa wax loogu qabanayaa.

Guri kasta cashuur ayaa ku waajibta, al-baab kastoo furan na cashuur ayaa ku waajibta, qof kastoo muwaadin ahna cashuur ayaa ku waajibta, anaguna cidnaba ku dhaafi mayno cashuurta, idinkuna waxqabadka nagu dhaafi maysaan, degmo kastana intay cashuurteedu leeg tahay ayaa wax looguu qabanayaa”ayuu yidhi maayar ku-xigeenka Hargaysa Khadar Axmed Cumar.