Xukuumada oo Go’aamo ka soo Saartay Gaadiidka Dowladda Xiliga Kalaguurka lagu Jiro

0
48

 

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka Mudane Raabi Cabdi Maxamed, ayaa go’aano ka soo saaray gaadiidka dowladda xilliga lagu guda jiro muddada xil-wareejinta.

Sidoo kale wasiirku waxa uu faray dhammaan masuuliyiinta wasaaradaha iyo hay’adaha dowlada in gaadiidka lagu xidho taarikada dowladda, waxaanu hoosta ka xariiqay in ay reeban tahay in la arko gaadiid dowladeed oo ku soconaya lambar gaara, waxaanu xusay in ciddi lagu arko tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Dhanka kale waxaa uu agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland, ku amrey in uu sameeyo guddi farsamo oo kormeer iyo qiimeyn ku sameysa gaadiidka dowlada inta lagu jira marxalada Kala-guurka ee xil-wareejinta.

Wareegtadan uu soo saaray wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka oo soo gaadhay xafiiska warqabadka Wargeysyada Dawan ayaa u dhigneyd sidan:

Haddaba wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay faraysa dhammaan masuuliyiinta wasaaraddaha iyo hay’addaha xukuumadda in gaadiidka dowladda lagu xidho taarikada gaadiidka dowladda, laga bilaabo taariikhda warqadani soo baxday, waxa reeban in la arko gaadiid dowladeed oo ku soconaya lamber gaar ah, ciddii lagu arkaana waxa laga qaadi doona tallaabo sharciga waafaqsan.

Sidoo kale agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka waxa la faraya inuu sameeyo guddi farsamo oo kormeer iyo qiimeyn ku sameysa gaadiidka dowladda inta lagu jiro marxalada Kala-guurka ee xil-wareejinta.”