Wasiirka Arimaha Gudaha oo Taliyayaasha iyo Guddoomiyayaasha Gobollada Kala Shirey Adkeynta Nabadgelyada Dalka

0
45

 

Qore C/wahaab Daahir Xasan

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa shalay la shirey taliyayaasha iyo guddoomiyayaasha gobollada dalka, waxaa uu kala hadlay adkaynta iyo xoojinta nabadgelyada guud ee dalka inta lagu jiro waqtiga lagu jiro Kala-guurka.

Sidoo kale wasiirka ayaa intii shirku socday guddoomiyeyaasha gobollada ku adkeeyay ilaalinta adkaynta amniga si aanu debec ugu iman nabadgelyada, waxaa kale oo uu ka dhageystay warbixinooyin guud oo la xidhiidha xaalada dalka.

Dhinac kale wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha JSL waxaa uu faray guddoomiyeyaasha Gobollada dalka iyo Laamaha amniga in la ilaaliyo hantida Qaranka mudada lagu jiro Kala-guurka, sida gaadiidka Dawladda.

Gaba-gabadii wasiirka ayaa ku adkeeyey dhammaan Gudoomiyeyaasha ilaalinta Hantida Qaranka inta ay Xukuumadda cusubi la wareegayso xukunka Dalka haddii ILLAAHEY yidhaahdo, iyada oo hadda ay socoto qaban-qaabada munaasibada xil-wareejintu.