Maxkamada Sare ee Somaliland oo ku Dhawaaqday Natiijada Rasmiga ah ee Doorashada

0
78

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Hargaysa (Dawan) Maxkamadda saree e Dastuuriga ah ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa ansixisay natiijada rasmiga ah ee doorashada Madaxweynaha iyo Ku Xigeenka Madaxweynaha taasi oo muddadii uu sharcigu u ogolaanayay in laga keeno cabasho uu wakhtigeedu dhacay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah Aadan Xaaji Cali oo ku dhawaaqay natiijada rasmiga ah ee doorashada madaxwaynaha iyo ku xigeenka Madaxwaynaha ayaa sheegay in ansixinta natiijada rasmiga ah ee doorashada ururrada iyo Axsaabta Qaranka muddadii sharcigu u ogolaa ku egtahay maalinta Sabtida ee bishu tahay 30, waxa kale oo uu xusay in natiijada ku meelgaadhka ah ee Komishanka doorashooyinku soo gudbiyeen aanay ku jirin wax cabasho ah ee la xidhiidh doorashada iyo ku dhawaaqista natiijadaasi.

Maxkamadda sare ee Dastuuriga ah ayaa waxay ansixisay natiijada ku meelgaadhka ahayd ee khusaysay natiijada doorashada Madaxwaynaha iyo ku xigeenka Madaxwaynaha ee Komishanka doorashooyinka oo sidan ahayd:-

Xisbiga Waddani oo helay 407,409 oo cod oo u dhiganta 63.92%

Xisbiga Kulmiye oo helay 225,519 cod oo u dhiganta 35.34%

Xisbiga Ucid oo helay 4699 cod oo u dhiganta 0.74%

Suidoo kale Maxkamadda sare ee Dastuuriga ah ayaa ansixisay in doorashada Madaxwaynaha uu ku guulaystay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cigaal halka ku xigeenka Maxawaynaha uu ku guulaystay Mudane Maxamed Cali Cabdi Maxamuud oo labaduba ka sharaxnaa Xisbiga Waddani

Ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah ee doorashada ayaa waxa goobjoog ahaa Guddida Garsoorka oo kala ah

  1. Aadam Xaaji Cali Axmed:- Guddoomiye
  2. Maxamed Cumar Geelle:- Xubin
  3. Cabdiqaadir Axmed Maxamuud:- Xubin
  4. Axmed Diiriye Qaalib:- Xubin
  5. Maxamed Faarax Siciid:- Xubin
  6. Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan:- Xubin
  7. Cali-shucayb Sh. Ibraahin Nuur………Xubin
  8. Yaxye Cali Idiris :- Xubin
  9. Cabdilaahi Cabdi Aadam:- Xubin
  10. Cabdiraxmaan Xasan Nuur:- Xubin

Kaaliye Sahra Ismaaciil Cabdilaahi.