Maraykanka oo Xusay Sanadguuradii 83aad ee Weerarkii Pearl Harbor

0
67

Pearl Harbor “waxa ay bedeshay mustaqbalka aduunka,” ayuu yidhi madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo ka hadlayay munaasabad Aqalka Cad loogu qabtay mujaahidiinta iyo qoysaskooda Jimcihii, sanadguuradii ka soo wareegatay weerarkii lama filaanka ahaa ee Japan ku qaaday Pearl Harbor.

Madaxweynaha ayaa dib u xusuustay in uu wax badan ka maqlay Pearl Harbor markii uu soo korayey,waxaana uu wax badan ka maqlay adeeradiis oo ka mid noqday askarta weerarka ka dib.

“Intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka, waxaan istaagnay meel is-rog-rogid ah,” ayuu yidhi madaxweynaha. “Weli waxaan ku taagannahay meel is-rog-rogid ah, go’aamada aan gaadhno hadda afarta sano ilaa shanta sano ee soo socota waxay go’aamin doonaan mustaqbalka mustaqbalka tobanaanka sano ee soo socda.. Waxa laga sugayaa jiilka soo socda si ay u dejiyaan manhajkii arrimahaas oo ay ku dejiyaan Waddo xor ah, ammaan badan iyo jid cadaalad ah.”

Sabti, December, 07, waxay calaamadinaysaa sanadguuradii 83-aad ee ka soo wareegatay markii weerar lama filaan ah ciidamadii dowladda Japan ay ku qaadeen saldhigga ciidamada badda Maraykanka ee Pearl Harbor, oo kuyaalla Jaziiradda Oahu ee gobolka Hawai, una dhaw Honolulu.

Boqolaal ka mid ah diyaaradaha dagaalka Japan ayaa bambaanooyin, rasaas duufaano ah hawada sare ah kaga garaacay maraakiibtii Baasifigga ee Maraykanka, subaxnimadii Axadda December, 7, 1941.

In ka badan 2,400 oo badmaaxayaal Maraykan ah, askar iyo dad rayid ah ayaa la dilay maalintaas. Qiyaastii kala badh ayaa ku dhintay markab dagaal oo la odhan jiray USS Arizona.

Jabbaanku waxay ku guulaysteen inay dejiyaan afar ka mid ah siddeedii maraakiibta dagaalka ee Maraykanka ee Pearl Harbor waxayna dhaawaceen afartii soo hadhay.

Sida laga soo xigtay website-ka Taariikhda Badda iyo Taariikhda dagaalka, “Diyaarado badan oo Japan ah ayaan la toogan oo xirfad iyo awood loo waayey.

Jabbaanku ay gaadheen la yaab xeeladeed iyo la yaab tignoolajiyadeed diyaarado iyo hub aad uga wanaagsan sidii la filayay waxay ahayd cashar ku saabsan khatarta ah in la dhayalsado cadowga taasi ilaa maantadan la joogo way taagan tahay. ” ayey leedahay taariikhdu.

Weerarkaa ka dib Madaxweyne Roosevelt ayaa saxeexay ku dhawaaqista in la galo dagaalka. Maraykanka ayaa markaa si rasmi ah u galay dagaalkii labaad ee aduunka.

Weerarkii lagu qaaday Maraakiibta Baasifiga ee Maraykanka ee Pearl Harbor waxa uu qayb ka ahaa qorshaha Japan ay kaga hortagayso caqabad kasta oo ku wajahan yoolalkaas Aasiya.

Hadda waxa jira xusuusta USS Arizona isaga oo weli biyaha ku hoos jira.

Horaantii todobaadkan, 104 jir ka badbaaday Pearl Harbor ayaa ku laabtay Hawaii si uu uga qayb qaato xuska sanadkan. Waa Schab Jr. oo ka soo jeeda Portland, Oregon, wuxuu ahaa muusikiiste ciidamada badda, waxa lagu soo dhaweeyay gegida dayuuradaha ee Honolulu salaanta madfaca biyaha iyo muusikadda US Pacific Fleet Band.

Markii la weydiiyay waxa uu ka xasuusto maalintaas, Schab waxa uu u sheegay shabakadda Hawaii News Now, “Baqdin.” Schab oo ka mid ah badbaadayaasha Pacific Fleet ee ka hadhay maalintaas. Wuxuu yidhi, “Waxay mudan yihiin in la aqoonsado oo la sharfo.”